Mas’uul Lagu Dilay Afgooye Hubkiina Laga Furtay.
Wararka kasoo baxaya hawlgalkan ayaa sheegaya in lagu beegsaday sarkaal...
Hawlgal gaar ah oo ay habeenkii xalay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka fuliyeen degmada Afgooye ayaa waxay ku dileen mas’uul ka tirsanaa maamulka.
Wararka kasoo baxaya hawlgalkan ayaa sheegaya in lagu beegsaday Max’med Xaaji Xasan oo kamid ahaa guddoomiye waaxeedyada degmada.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegtay in hawlgalkaasi ay fuliyeen ciidamadeeda: “Mujaahidiinta ayaa howlgal qorshaysan ku dilay mid kamida saraakiisha maamulka Riddada degmada Afgooye waxaana laga qaniimeystay Bastoolad uu watay” ayaa lagu yiri warkan kasoo baxay Xarakada.
Muddo kadib hawlgalka waxaa goobta soo gaaray ciidamo ka tirsan DF kuwaas oo qaaday meydka sarkaalka, Afgooye ayaa kamid ah meelaha lagu beegsado mas’uuliyiinta, saraakiisha iyo askarta DF.