Masuuliyiin katirsan Midowga Yurub oo loo xiray iney lacago laaluush ah ka qaateen dowladda Qadar.
Fadeexo culus ayaa soo wajahaday madax katirsan Midowga Yurub, kuwaas oo qaarkood xabsiga loo tabaxaabay, kadib markii lagu eedeeyay arrimo fasaad ah iyo in sidoo kale ay lagacago laaluush ah ka qaateen xukuumadda yar ee Qadar.
Warbaahinta caalamka ayaa si aad ah u tabineysa khabarkaan xasaasiga ah, waxaana la xaqiijiyay in xabsiga la dhigay haweeneyda gudoomiye ku xigeenka ka ah baarlamaanka Miodwoga Yurub.
Haweeneydaan oo kasoo jeeda dalka Giriiga ayaa maalintii shalay oo Axad aheyd lagu xiray Magaalada Brussels ee caasimadda dalka Biljimka, warbaahinta ayaana xaqiijisay xariga haweeneydaan, iyada oo lagu eedeeyay iney ku kacday falal Musuqmaasuq ah.
Dadka la xiray kuma koobna gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka Midowga Yurub, balse waxaa sidoo kale lala xiray 3 ruux, kuwaas oo lagu eedeeyay iney lacago badan kasoo qaateen Qadar oo dalkeeda ay ka soconayaan ciyaaraha waxa loogu yeero koobka adduunka.
Affartaan ruux ayaa waxaa lagu eedeeyey inay lacag iyo hadiyado ka heleen dal ka tirsan Khaliijka oo ah dowladda yar ee Qadar, si ay saamayn ugu yeeshaan go’aamada baarlamaanka Yurub.
Wakaaladda wararka Faransiiska ee AFP ayaa sheegtay in haweeneyda gudoomiye ku xigeenka ka ah baarlamaanka Miodwoga Yurub ay eedeymahaan awgood ugu weyn karto xasaanadda ay ku leeyahay golaha, xilli warbixinnada la daabacay ay sheegayaan, in haweeneydaan lagu helay boorsooyin ay ka buuxaan lacago fara badan.
Illaa 16 guri oo ku yaalla Magaalda Brussels ee caasimadda Biljimka ayaa lagu soo waramayaan in baaritaanno lagu sameeyay, iyadoona gacanta lagu soo dhigay lacag gaareysa $631,800 oo dollerka Mareykanka ah.
Howlgalkaan lagu soo qab qabtay lacagta iyo xubnahaan kala duwan ayaa waxa uu dhacay maalintii Jimacaha, waxaana dadka guryadooda loo dhacay baaritaankana lagu sameeyay kamid ah nin kasoo jeeda dalka Biljimka oo isana xubin ka ah baarlamaanka Midowga Yurub, hasa yeeshee aan xabsiga loo taxaabin.
Kolkii hore waxaa la xiray illaa 6 ruux, oo u badan xubno katirsan baarlamaanka Midowga Yurub, balse afar ka mid ah ayaa dacwad lagu soo oogay, halka la sii daayey laba qof oo ka mid ah lixda ruux ee lasoo xiray, maadaama lagu waayay wax cadeymo ah.
Guddoomiyaha Midowga Yurub ee arrimaha dhaqaalaha, ayaa Axaddii sheegay in kiiska musuqmaasuqa ee lagu eedeeyay Qatar, islamarkaana ay ku lug leeyihiin wakiillo ka socda baarlamaanka Yurub, ay dhaawac weyn u tahay sumcadda Midowga Yurub iyo dhammaan hey’adiisa kala duwan.
Isagoo wareysi siinayay telefishin laga leeyahay Talyaaniga ayuu gudoomiyuhu sheegay in tani ay si daran u dhaawaceyso sumcadda baarbaarlamaanka Midowga Yurub, ayna tahay arin ceeb ah oo aan marnaba la aqbali karin.
Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in ay muddo bilo ah ay ka shakisnaayeen, in dal ka tirsan wadamada Khaliijku inuu isku dayayo inuu saamayn ku yeesho go’aanada Midawga Yurub, balse dowladda Qadar ayaa gabi ahaanba iska beenisay eedaha loosoo jeediyay, masuul u hadlay xukuumaddan yar ayaana sheegey in Qadar ay tahay dowlad ilaalineysa waxa loogu yeero shuruucda dowliga ah.
Halkaan Ka Dhageyso Wasuuliyiin_katirsan_Midowga_Yurub_oo_loo_xiray_iney_lacago_laaluush ah qaateen.