Maxaan Ka Ognahay Ahmiyadda Uu Saldhigga Inglis Ee Shalay La Weeraray U Leeyahay Dowladda Ruushka.?(Warbixin)

Markii ugu horreeysay diyaaradaha dagaalka ee dowladda Ukraine ayaa ku guuleystay iney weeraro duqeymo ah ka fuliyaan gudaha fog ee dalka Ruushka, taas oo ay ku beegsadeen mid kamid ah saldhigyada ugu weyn ee ay leeyihiin mellatariga xukuumadda Moscow, weerarkaas oo dhacay maalintii shalay ayaana dhaliyay hadal heyn badan, iyadoona warbixinno kala duwan laga qoray, Ahmiyadda uu Ruushku u leeyahay Saldhiggaan mellatari, jawaab celinta la filan karo in uu Ruushku ka bixyo weerarka, iyo arrimo kale oo la xiriira weerarkaan duqeynta ah.

Wasaaradda difaaca ee dowladda Ruushka oo ka hadashay duqeyntii shalay lala beegsadey saldhigga ayaa masuuliyaddiisa dusha kaga tuurtay Ukraine, xaruntaan mellatari ee ku taalla gobalka Saratof ee koonfurta Ruushka ayaana lagu tiriyaa iney tahay, mid kamid ah xarumaha ugu muhiimsan ee ay leeyihiin ciidamada mellatariga ee Ruushka, taas oo sidoo kale laga hago duullaanka mellatari ee ay xukuumadda Moscow ka wado dalka ay dariska yihiin ee UKraine.

Waaxda gaashaandhigga ee Ruushka oo faahfaahin ka bixineysa weerarka ayaa xaqiijisay, in diyaarad nuuca aan duuliyaha laheyn, islamarkaana kamid ah kuwii Midowgii Suufiyeeti loo adeegsaday fulinta duqeynta, taas oo ay ujeedadeedu ku sheegtay iney aheyd sidii lagu cuuriyaamin ahaa awoodda duulimaadyada hawada fog ee ay sameeyaan diyaaradaha mellatariga ee xukuumadda Moscow, balse waxay ku doodeysaa in arrinkaasi uu ka hortagay nidaamkeeda difaaca hawada, islamarkaana uu dhulka soo dhigay diyaaradda ay leedahay Ukraine, taas oo jawi hoose ku socotay, bur burka ka dhashay diyaaradda ayayna wasaaraddu xaqiijisay iney ku naf waayeen 3 kamid ah saraakiisha dowladda Ruushka, walow aysan jirin warar xaqiijinaya iney ku geeriyoodeen bur burka diyaaradda, ama duqeynta lagu beegsaday saldhigooda.

Hadaba sannadkii 1930-kii ayaa la aasaasay saldhigga Inglis ee shalay marti galiyay weerarka duqeynta ah, markiisii hore waxa uu ahaa kuliyad ciidan oo lagu tababaro duuliyayaasha mellaraiga Ruushka, intii lagu guda jiray waxa loogu yeero dagaalkii labaad ee adduunka, ayuuna dowr muhiim ah ka qaatay saldhiggaan sidii looga hortagi lahaa ciidamadii Jarmalka, loona qaadi lahaa weeraro rogaal celis ah.

Ku dhawaad 700 oo KM ayuu saldhiggaan ka fog yahay goballada uu Ruushku ka qabsaday xukuumadda Kiev ee ku yaalla bariga dalka Ukraine, marka laga hadlo agabyada yaallana waxay warbixinnadu tilmaamayaan in xaruntaan ay tahay midda laga soo rido gantaallada casriga ah ee uu Ruushku farsameeyo, kuwaas oo ay kamid yihiin TU-160 iyo TU-95 MC, xukuumadda Kiev ayaana Moscow ku eedeysay in saldhiggaan ay u adeegsato duullaanadeeda mellatari ee ka dhanka ah goballada kala duwan ee dalka Ukraine.

Warbixinnadii ugu dambeeyay ee la daabacay waxay sheegayaan, in saldhigga Inglis uu yahay midka kaliya ee laga heli karo gantaallada casriga ah ee loo yaqaanno  TU-160, kuwaas oo tiradooda lagu sheegay illaa 19 gantaal, Ruushka ayaana xaruntaan uga dhigan mid muhiim ah, beegsiga lagu hayana uu yahay mid wal wal adag ku beeri kara xukuumadda Mosocw.

Kadib bur burkii Midowgii Suufiyeeti waxay dowladda Ruushka farsameysay, islamarkaana ay soo saartay 6 kamid ah gantaallada aan nuuceeda kor kusoo xusnay, intii u dhexeysay sanadihii 1999-kii illaa 2000 ayayna Moscow soo saartay 8 kale oo kamid ah sawaariikhdaan casriga ah, balse xilligaas waxay ku farsameysay saldhig ay leedahay Ukraine, kolkaas oo uu dhacay heshiis ay wada gaareen labada dhinac, si Moscow ay isaga bixiso deynta Ukraine, iyadoo ku badalaneysa Shidaalka laga soo saaro dalkeeda.

Tan iyo sannadkii 2007-da illaa iyo maanta waxaa saldhiggaan mellatari ee taabacsan taliska ciidamada cirka ee Ruushka uu ku jiray diyaar garow dagaal oo joogta ah, kadib wareegto kasoo baxday Madaxweynaha Ruushka, taas oo sidoo kale dhigeysay in gantaalladaan casriga ah ay ka qeyb qaataan howlgallada joogtada ah ee ka dhacaya goballada dagaalka ee ka fog gudaha Ruushka.

Sannadkii 2012-ka ayaa saldhiggaan loo diiwaan galiyay inuu yahay midka ugu wanaagsan ee ay leeyihiin ciidamada cirka ee Ruushka, islamarkaana sameeya duulimaayada fog fog ee ugu fcn caalamka, kadib guddi dowladeed oo loo xil saaray iney soo indha indheeyaan xaruntaan, kuwaas oo warbixintooda kusoo gudbiyay in saldhiggaan uu yahay mid ay ka socdaan howlo badan, uuna leeyahay heer tababar oo casri ah, taas oo ay sii dheertahay aqoonta iyo kartida shaqaalaha ka howlgala, waa sida ay kusoo gudbiyeen taqriirkooda.

Arrimmahaas oo idil waxaa caqabad ku ah duqeyntii shalay lagu qaaday saldhigga, iyo kuwa la filan karo iney ka dhacaan halkaas, eedeynta kasoo yeertay Xukuumadda Mosocw ayaana kusoo aadeysa, xilli Madaxweynaha Ukraine Valamir Zelenecky uu ka digay, in Ruushka uu fuliyo weeraro sawaariikh loo adeegsado oo si indha la’aan ah u beegsada dalkiisa, inta lagu guda jiro waxa loogu yeero ciidda sannadka ee ay u dabaal dagaan dadka Kirishtanka ah.

Mas’uuliyiinta Ukraine ayaanan weli sheegan mas’uuliyadda weerarkaan ka dhacay gudaha Ruushka, balse waxay xuseen in diyaaradaha meelaha fog wax ka duqeeya ee saldhigga ku sugan loo adeegsado weeraro gantaallo ah oo lagu qaado dalka Ukraine, kuwaas oo ay ku jiraan kuwa ka dhanka ah kaabayaasha dhaqaale ee dalka iyo xarumaha tamarta, waana sida ka taagan dalka Ukarine oo Ruushka ayaa duqeymo joogta ah ku beegsada xarumaha muhiimka ah.

Falanqeeye xagga arrimaha mellatariga ah una dhashay dalka Ruushka ayaa sheegaya, in weerar cusub oo lagu qaaday saldhigga Inglis ay muhiimad weyn oo siyaasadeed iyo dacaayad u leedahay Ukraine, iyadoo dhacdadaan uga faa’iideysaneysa iney qaado dagaal xagga warbaahinta ah oo ay ujeedadiisu tahay, in shaki la galiyo waxtarka nidaamka difaaca hawada ee dowladda Ruushka, gaar ahaan kuwa mas’uulka ka ah ilaalinta garoomada diyaaradaha iyo qadadka ay soo galaan diyaaradda aan duuliyaha lahayn ee Ukraine, iyadoona ay xusid mudan tahay in weerarkaan uu yahay kii labaad oo nuuciisa ah, islamarkaana bil gudaheed lagu beegsado dowladda Ruushka.

Inkastoo ay fursaddaasi furan tahay, haddana waxa uu falanqeeyahaan Ruushiyaanka ah aaminsan yahay, in duqeymaha ay fulinayaan diyaaraha dagaalka ee Ukraine aysan waxba ka badali karin wadciga dagaalka, islamarkaana aysan saameyn ku yeelan karin awoodda ciidamada Ruushka ee ku aaddan, iney fuliyeen duqeymo ba’an oo ka dhaca goballada kala duwan ee dalka Ukraine.

Arrinta ay ka mideysan yihiin falanqeeyahaan Ruushiyaanka ah iyo kuwa kaleba ayaa ah, in weerarada nuucaan ah ee ay fulineyso Ukraine aysan ahaan doonin kuwa laga aamusa oo aysan Moscow jawab ka bixin, balse ay keensan doonaan falcelin deg deg ah oo timaada xagga Ruushka, taas oo noqon karta iney duqeymo xooggan ku beegsato dhammaan xarumaha mellatari ee Ukraine, iyo goobaha xasaasiga ah sida saldhigyada ugu muhiimsan iyo warshahada tamarta ee ku yaalla gudaha dalkaas.

Ruushka oo uu ku daba dheeraaday duullaanka uu kaga jiro Ukraine ayaa hadda wajahaya dagaal xagga nafsiga ah, taas oo ay usii dheer tahay cunaqateymaha is daba joogga ah ee kaga imaanaya dowladaha reer galbeedka, kuwaas oo beegsanaya masuuliyiinta iyo sharidaha waaweyn ee laga leeyahay dalka Ruushka, intaasi oo dhami waxaa uga sii daran inuu khasaariyay islamarkaana uu limayay dhul ballaaran oo uu horay kaga qabsadey Ukraine, iyadoo dhammaan jabhadaha dagaalka ay si isku wada mid ah kaga soconayaan dagaallo qaraar oo aan waxba la isluma harin.

Halkaan Ka Dhageyso Warbixin Maxaan Ka Ognahay Ahmiyadda Uu Saldhigga Inglis U Leeyahay Dowladda Ruushka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.