Maxay DF U Dishay Ganacsade Sheekeeye?

Dilalka ka dhanka ah rayidka iyo isbaarooyinka ayaa aad usii laba lixaadsaday tan iyo markii madaxweynaha DF mar kale loo doortay Xassan Sheekh.

Iyadoo ay sii kordhayaan dilka iyo dhaca ay ciidamada DF u geysanayaan dadka shacabka ah ayaa waxaa dhacdadii ugu dmabeysay lagu beegsaday ganacsade caan ka ahaa degaanada u dhaxeeya Muqdisho iyo Afgooye.

Ganacsadaha oo lagu magacaabi jiray C/raxmaan Sheekeeye ayaa waxay ciidamo ka tirsan kuwa DF ku toogteen degaanka Ceelasha biyaha xilli ay ka dhacayeen telefoon Smart phone ah oo uu watay.

Telefoonkiina waa ay ka qaateen naftiisii qaaliga ahaydna waa ay dhaafiyeen, waxayna goobta ka dhaqaaqeen iyagoo xarragoonaya sida ay saxaafadda u sheegeen dadkii goobta ka agdhawaa.

Dilalka ka dhanka ah rayidka iyo isbaarooyinka ayaa aad usii laba lixaadsaday tan iyo markii madaxweynaha DF mar kale loo doortay Xassan Sheekh Maxamuud, kaasoo sidoo kale hubeeyay qaar kamid ah mooryaan beeleedyo ka madax bannaan dowladdiisa.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.