DF Ma Waxay U Dabaaldegtay Xuquuqda Aadanaha Mise Xadgudubka Aadanaha? (Warbixin)
Xamsa ayaa ku dheeraaday ka hadalka Xuquuqda Aadanaha isagoo sheegay in ilaalinteedu ay tahay arrin diini ah.
Reergalbeedka oo ah dadyowga ugu xadgudubka badan dunida ayaa sameeya maalmo ay u asteeyaan waxyaabo kala duwan sida maalinta xuquuqda aadanaha oo ay shalay oo kale u calaamadeeyeen.
Iyagoo tacaddiyo aan xisaab lahayn dunida ku haya gaar ahaan wadamada muslimiinta ah ayaa waxay haddana ku andacoodaan in maalintaas la iska wareysto xuquuqda aadanaha lagana digo xadgudubyada. DF oo ay dhiseen Reergalbeedka ayaa shalay sameysay xaflad ay dad kooban kasoo qeyb galeen oo lagu xusayay maalintaas, waxaana ka hadlay Ra’iisulwasaare Xamsa Cabdibarre.
Xamsa ayaa ku dheeraaday ka hadalka Xuquuqda Aadanaha isagoo sheegay in ilaalinteedu ay tahay arrin diini ah xukuumaddiisuna muhiimad gaar ah siineyso. Ra’iisulwasaaraha ayaanan marnaba soo hadal qaadin tacaddiyada faraha badan ee ay xukuumaddiisu u geysanayso bulshada, sida:- isbaarooyinka soo badanaya ee dadka lagu dilayo, dhaca, boobka iyo kufsiga ay ciidamadiisu geysanayaan.
DF ayaa lagu tilmaamayaa iney tahay midda ugu xadgudubka badan caalamka waayo waxay ku dhisan tahay 4.5 oo micnaheedu yahay in qabaa’ilka qaar ay nus yihiin islamarkaana aysan ku xuquuq ahayn qabaa’ilka kale!!. waxaana ay dadka qaar is weydiinaan su’aasha ah, ma jirtaa xadgudub Xuquuq Aadane oo ka weyn arrintan?
Qaar kamid ah mas’uuliyiinta DF ee ka hadlay munaasabaddii shalay ayaa goobta ka jeedinayay hadallo loogu cagajugleynayo saxafiyiinta iyo bulshada, arrintan ayaana kusoo beegmeysa iyagoo hey’ado caalami ah ay soo saareen warbixino ay ku caddeynayaan sida ay DF ugu tumato xuquuqda dadka.
Hey’adda Amnesty International ayaa warbixin ay dhawaan soo saartay ku dalbatay in DF ay dhibaateynta ka dhaafto warihaha wali maxbuuska u ah ee Cabdalla Muumin, waxaa sii kordhaya caburinta ay saxaafadda ku heysto DF iyagoo warbaahinta Muqdisho gaarsiisay in ay ka aamusaan 3 wariye oo maalmo ka hor laga xeray.
Kulankii ay todobaadkii lasoo dhaafay yeesheen Baarlamaanka labada aqal waxay xildhibaanada intooda badan ka sheegeen in ciidanka baarista qaabilsan ay kala kulmaan xadgudubyo ka dhan ah xasaanadooda iyo xuquuqdooda loona baaro si anshaxa iyo akhlaaqda ka fog.
Sidoo kale Qaramada Midoobay ayaa dhir dhawaan ka dhacay magaalada Geneva ee dalka Swezarland ka sheegtay in DF ee fadhigoodu yahay Muqdisho ay ku kacdo xadgudubyo iyo dhibaatooyin ka dhan ah xuquuqda aadanaha.
Shirkaas oo lagu gorfeynayay mowduucaas ayay Qaramada Midoobay heerka tacaddiga ku muujisay in xeerka ciqaabta Soomaaliyeed uusan kaba hadleynin jirdilka ama garaacidda dadka loo geysto, xilli dhowr jeer lasoo bandhigay muuqaallo laga soo duubay xarunta sirdoonka DF oo laga arkayay dad aan waxba galabsan oo ay sirdoonku dilayeen kuna ciqaabayeen koronto.
Maadaama uu xeerka ciqaabta sidaasi yahay ayaa shirka laga sheegay in ciidamada DF ay u sahlanaatay iney ciqaabaan dadka uga geystaan noocey rabaan oo jirdil ah. Soomaaliya ayaa waxaa ka furan xabsiyo qarsoodi ah oo ay leeyihiin mukhaabaraatka Yahuuda, Mareykanka iyo dowlado kale kuwaasoo ay ku xiran yihiin kuwammaan qof oo inta dalkoodii loogu yimid loo heysto oo kaliya diintooda.