Maxay yihiin caqabadaha ugu waaweyn ee ku hor gudboon horumarka taliska mellatariga ee dowladda Jarmalka?(Warbixin)
Xilli Xasarado siyaasadeed ay ka taagan yihiin dalka Jarmalka ayaa lasoo warinayaa in xukuumadda Barlin ay sido kale wajeheyso culeyso xagga mellatariga ah, iyo sara ukac ku yimid qiimaha shidaalka, shaqaala yari ka dhex jirta dowladda, taas oo ay sii dheer tahay howlgallada ka dhanka ah dadkii soo abaabulay afgambigii dhawaan fashilmay oo iyagana wali ka soconaya gudaha dalkaas.
Dowladda Jarmaka oo kamid ah wadamada reer galbeedka ayaa wajaheysa culeyso xagga mellatariga ah, khubarrada u dhashay dalkaan ayaana aaminsan, in xukuumaddu ay dhibaatooyinkaan si gaar ah kala kulmeyso kordhinta iibsiga agabyada difaaca, inkastoo ay xukuumaddaani ka faa’iideysaneyso maalgelinta gaarka ah ee 100-ka bilyan oo Yuuro, si ay dib boorka uga jafto qalabyadeeda milatari, ka dib tobanaan sano oo uu burbursanaa tan iyo dhamaadkii dagaalkii qaboobaa.
Saddex maalmood uun ka dib duullaankii uu Ruushku ku qaaday Ukraine 24-kii Febraayo ee lasoo dhaafay, ayuu hogaamiyaha Jarmalka Olaf Sholtaz baarlamaanka ka hor sheegay, qorshayaasha aan horay loo arag ee ku aaddan maalgashiga ugu weyn ee abid lagu horumarinayo militariga dalka.
Hogaamiyaha ayaa xilligaasi sheegay iney waajib tahay in dalkiisa uu sameeyo maalgashi aad u ballaaran, si loo ilaaliyo amniga, xurriyada, iyo Diquraadiyadda, waa sida uu hadalka u dhigaye, isagoona xusay in dowladda ay sameyn doonto juhdi ballaaran oo hadafkiisu yahay in lagu xoojiyo mellatariga waddanka, loona dhameystiro agab waliba oo uu u baahan yahay.
Hadalkaas kadib waxay dad badan oo u dhashay dalka Jarmalka sugayeen in tartan adag uu dhex mari doono sharikadaha hubka iibiya ee laga leeyahay dalka Jarmalka, iyo kuwa kale ee dowliga ah, si loo helo adeeg maaliyadeed oo gaar ah, kaas oo lagu horumariyo jihaazka caskariga ee dowladda, balse rajadaas ayaa noqotay madhaleys, waxaana dadka usoo baxay cagsiga wixii ay filnayeen.
Christian Molling, oo xubin sare ka ah Golaha Jarmalka u qaabilsan cilaaqaadka arrimaha Dibadda, fadhigiisuna yahay Magaalada Berlin ayaa sheegay, in habka wax iibsiga hubka uu yahay mid adag, isagoona intaa ku daray in go’aannada ku saabsan hababka hubka gaarka ah ayaa raacayaan shuruudaha siyaasadda istiraatijiyadeed iyo kuwa warshadaha.
Ninkaan xubinta ka ah Golaha Jarmalka u qaabilsan cilaaqaadka arrimaha Dibadda ayaa tusaale usoo qaatay dhibaatadii ay xukuumadda Barlin ka martay qorshayaashii wasaaradda gaashaandhigga ee lagu bedelayay diyaaradaha dagaalka ee Tornado, kuwaas oo ah diyaarado qadiimi ah, dowladda Jarmalkana ay ka cabsi qabto qabto is khasaare ay kala kulato isticmaalkooda.
“Qorshe dheer ayaa laga soo waramay diyaaradaha aanu doonayno inaan ku bedelno Tornaadada, hawshaasi waxay socotay muddo sannado ah, maadaama go’aanka aanu ahayn mid siyaasadeed iyo mid mellatari toona” ayuu hadalkiisa sii raaciyay masuulkaan katirsan dowladda Jarmalka.
Sarkaalkaan ayaa ku cataabay in hogaamiyaha Jarmalka uu haatan doonayo inuu soo iibsado diyaarado gaar ah oo laga leeyahay dalka Mareykanka, qorshahaas ayuuna sheegay inuusan aheyd mid siyaasadeed, balse uu yahay mid ganacsi.
Arrinta xaaladda soo cakirisay ayaa ah, in dhalinyarada u dhalatay dalka Jarmalka ay iska diideen iney ciidanka ku biiraan, maadaama uu wajahayo xaalad bur bur ah, madaxa guud ee taliska ciidamada Jarmalka ayaana saxaafadda u sheegay, in wasaaradda gaashaandhigga ay wajaheyso xaalado adag oo ku aaddan xagga qorista ciidanka, isagoona xaalad quus ah ka muujinayay nidaamka mellatari ee dalka ka jira.
Tani ayaa xukuumadda Barlin ku qasabtay in diyaaradeeda qadiimiga ah ay ku badasho kuwa aan tayo ahaan waxba dhaamin oo ay farsameyso dowladda Mareykanka, mudooyinkii lasoo dhaafay ayayna heshiis qiimihiisu ku kacay 10 Bilyan oo dollar la gashay xukuumadda Washington, si ay usoo iibsato diyaaradaha F-35 ee ay soo saaraan sharikadaha laga leeyahay Mareykanka.
Diyaaradda F-35 ee ay farsameyso dowladda Maraykanka ayaa waxaa horraan usoo oo wajahay cillado badan oo horseeday shilal dhowr ah, taasoo la sheegay iney hoos u dhigi karto fursadda ay diyaaradani ku iibsan karaan dalalka caalamka, balse Jarmalka ayaa hadda indhaha ka laabanaya khatarrahaas oo idil, isagoona si qar iska tuurnimo ku dheehan tahay ku doonaya inuu ku soo iibsado diyaarahaan ay farsaneyso dowladda Mareykanka.
Diyaaradda F-35 waxay dowladda Maraykanka u aragtaa astaan muujineysa awoodda qalabyada difaaca, gaar ahaan diyaaradaha, sidaasi darteed mudooyinkii dambe waxaa soo kordhayay dowladaha doonaya iney iibsadaan, waxaana kusoo biirey dalalka Swizerland, Finland, Japan, Jarmalka oo hadda ku dadaalaya arrinkaas, iyo xitaa Kuuriyada Koonfureed.
Dhibaatada kuma eka oo kaliya diyaaradaha, balse waxay warbixinnadu tilmaamayaan in sidoo kale ay jiraan Azmooyin la xiriira xagga shidaalka iyo arrimaha caskariga, Taliyaha guud ee mellatariga Jarmalka ayaana sheegaya iney sameynayaan qorashayaal ay ku kordhinayaan awooddooda mellatari, maadaama ay dowladda Jarmalka qeyb ka tabay isbaheysiga NATO, ciidamadeedana ay duullaan ku joogaan wadamada Maali oo kol sii horretsay ku dhawaaqday iney kala baxeyso ciidankeeda, Ciraaq iyo kuwa kale oo ku yaalla caalamka.
Inkastoo ay jiraan dhibaatooyinkaan kala duwan, ayay haddana dowladda Jarmalka ku adkeusaneysaa iney sahay mellatari u direyso Ukraine oo iyadana wajaheysa duullaan kaga yimid Ruushka, had iyo jeerna u qeyla dhaansata dowladaha reer-galbeedka, si ay u xoojiyaan taageerada ay iyada la garab taahan yihiin, arrinKaas ayayna xujuumadda Barlin sheegtay inuu yahay waajib qaran oo saran dowladaha xubnaha ka ah isbaheysiga NATO.
Dhammaan Saraakiisha ciidamada iyo madaxda kala duwan ee dowladda Jarmalka waxay si wada jir ah u xaqiijinayaan azmooyinkaan ka taagan dalka, ciidanka ayayana sheegeen iney la il daran yihiin Masahaakil fara badan, oo ay kamid yihiin dayactir la’aanta heysata taangiyada iyo diyaaradaha qumaatiga u kaca, cillado ku yimid qoryaha fudud eey adeegsadaan ciidanka, taas oo ay sii dheer tahay askarta oo badankood aanan heysan dareyska qabowga looga gaashaanto xilliyada ay tababarka ku jiraan.
Baarlamaanka dalka ayaa xukuumadda cadaadis ku saaraya iney wax ka qabato arrimahaan, ayna xal u hesho mashaakilka ku aaddan rasaas la’aanta soo wajahday ciidanka cirka oo kamid ah awoodaha ugu muhiimsan ee xukuumadda.
“Waxaan u baahannahay jadwal fadhiya, si’aan meesha uga saarno dhibaatadaan” ayay tiri haweeney katirsan madaxda mellatariga Jarmalka, sidoo kalena xubin ka ah baarlamaanka dalkaas.
Saanad yarida heysata ciidanka cirka ayay u sabeebeysay, in muddo sanado ah aysan ciidanku laheyn siyaasad fadhisa, iyo xaqiiqada kale oo ah in isbaheysiga NATO uusan mudnaanta 1-aad siinin dowladaha xubinaha ka ah ururkaas oo uu Jarmalku ka mid yahay.
Warshadaha ka shqeeya arrimaha difaaca ee Jarmalka ayaa si isdaba joog ah u muujiyay rabitaankooda ah inay kordhiyaan wax soo saarkooda hubka, agaasimaha Ururka Warshadaha Amniga iyo Difaaca Jarmalka ayaana xaqiijiyay, in dhammaan shirkadaha ay sheegeen inay awoodaan inay ballaariyaan baaxadda shaqadooda, waxayna diyaar u yihiin inay shaqaaleysiinayaan dad cusub, islamarkaana ay howlgalaan muddo dheer.
Sicir bararka ku yimid shidaalka Jarmalka ayaa lagu soo warmayaa iney kaalin weyn ka qaadatay mashaakilkaan faraha badan ee ay la kulmayaan warshada sameeya hubka ee ku yaalla Jarmalka, agaasimaha ayaana xusay in taasi ay tahay mid iska cad oo aan wax shaki ah ku jirin.
Khubarrada ka faallooda arrimaha mellatariga ayaa ku doodaya in dowladda Jarmalka aysan leheen aragti siyaasadeed oo fog, taas oo ay ku maareyn karto xasaradaha ka taagan dalkeeda, iyagoona ku eedeeyay taageerada indha la’aanta ah ee u muujisay Ukraine, iyadoo aan ka fiirsan cawaaqibka ka dhalan kara arrinkaas.
Dowladaha reer galbeedka ayaa ku tiir iyo tacab beelay duullaanka aan dhammaadka laheyn ee ay kaga jiraan dalka Ukraine, tani ayaana ah qeyb yar oo kamid ah cawaaqibta foosha xun ee ay dowladahaasi ka dhaxleen duullaankaas, dowladda Jarmalka oo kaliyana maahan dowladaha guranaya miraha qaraar ee ka dhashay taageerada indha la’aanta ah ee ay la garab taagan yihiin xukuumadda Kiev, iyo cunaqateymaha is daba joogga ah ee ay kusoo rogayaan Ruushka, iyadoo ay usii dheer tahay kacdoonka bulsho ee ka jira wadamadaas oo iska hor keenay shucuubta iyo dowladaha reer Yurub, xaaladda faqri ayaana gaartay heer muwaadiniinta reer galbeedka ah ay dariiqyada ka dawarsadaan, sidaba laga soo calaamadeeyay waddanka Ingariiska.
Dhinaca kale Xukuumadda Jarmalka ayaa sara u qaaday howlgalladeeda ka dhanka ah kooxihii ku lugta lahaa isku deygii inqilaab ee maalmo ka hor ka dhacay Magaalooyin katirsan waddanka.
Saraakiisha ammaanka ee dowladda Jarmalka ayaa sheegay iney la yaabeen ku lug lahaanshiyaha kiiskaan masuuliyiin sar sare oo dowladda katirsanaa, kuwaas oo doonayay in lamajaxaabiyo nidaamka dowladeed ee hadda waddanka ka jira.
Howlgallo fatashaad ah oo ka dhacay Magaalooyinka Istudgaar iyo Miyuuniq ayaa lagu soo xiray, janaraallo katirsan ciidanka mellatariga iyo Masuuliyiin horey xilal sar sare uga soo qabtay waddanka, kuwaas oo aan laga filaneynin iney khiyaameynayaan nidaamkii ay ka tirsanaayeen.
Masuul katirsan hey’adda dacwad oogayaasha guud ee dalka Jarmalka ayaa sheegay in dadka lagu tuhunsan yahay iney inqaabka maleegayeen lagu qabtay saanado hub ah, islamarkaana ay ciidamneynayeen saraakiil hore iyo kuwa katirsan ciidanka hadda jira, kuwaas oo laf dhabar u ah mellatariga Jarmalka.
Waxaa lasoo bandhigay keydad hub ah oo ay Inqilaabiyiintu diyaarsadeen, ayna si qarsoodi ah gacanta ugu dhigeen, xeer ilaaliyaha guud ee waddanka Jarmaka ayaana laga soo xigtay in eedeysanayaashu ay waji doonaan dacwado ay kamid yihiin isku diyaarinta afgambiga dowladda.
Taliyaha sirdoonka mellatariga ee dalka Jarmalka ayaa si horudhac ah u sheegay in laba katirsan saraakiisha ciidamada kumaandooska ay kamid yihiin kuwa la qabtay ee loo heysto iney wax ka qorhseynayeen inqilaabkii fashilmay.
Maamulayaasha dowladda Jarmalka waxay xaqiijiyeen in dadka la xiray ay kamid tahay haweeneydii aheyd garsoorihii guud ee dalka, islamarkaana soo noqotay xildhibaan katirsan golaha baarlamaanka ee dalkaas, taas oo lagu magacaabo Barteka Malazaka, haweeneydaan ayaana lagu tuhmayaa in shirqoolka ay wax ka maleegeysay.
Qareenka gaarka ah ee Barteka ayaa diiday eedeymaha loo jeediyay, isagoona xukuumadda ku tuhmay in haweeneydaan howlgab shaqo ka fadhiisid ah ay ku qasabtay bishii October ee lasoo dhaafay, balse ay iska diiday arrimkaas.
Masuuliyiinta iyo Janaraallada la xiray ayaa la rumeysan yahay iney ka tirsan yihiin xisbiga Muwaadiniinta ee Raayik oo ah dhaqaaq xagjir midigta dhexe ah, una jan jeera siyaasaddii Zaayiinta Jarmalka soo maamulayay wixii ka horreeyay waxa loogu yeero dagaalkii 1-aad ee adduunka, Xizbigaani ayaana aqoonsaneyn nidaamka dowladeed ee ka hana qaaday dalka Jarmalka, wixii ka dambeeyay dagaalkii labaad ee Caalamka.