Mellatariga Inqilaabka Kula Wareegay Talada Dalka MiyanMaar Oo Muddo 33 Sano Ku Xukumay Aung San Suu Kyi.(Warbixin)

Mellatariga afgambiga kula wareegay talada dalka Miyanmaar ayaa wali xabsiga ku haya, haweeneydii aheyd madaxweyinihii hore dalkaas, taas oo inqilaabka mellatari talada looga tuuray, iyadoona tan iyo xilligaas ku jirtay xasbi ay gacanta ku hayaan ciidamada mellatariga ee Miyanmaar.

Makkamad mellatari oo taabacsan nidaamka talada haya ayaa maalintii shalay oo Jimco aheyd 7 sano oo xabsi ah ku riday Aung San Suu Kyi, oo aheyd madaxweynihii hore ee dalkaan, taas oo heysatay waxa loogu yeero billada nabadda ee adduunka, xukunkaan cusub ayaana ka dhigan 33 sano oo xarig ah, kadib markii ay maxkamaddu horraan xukunno kala duwan ugu riday hweeneydaan cajuuzadda ah.

Mellatariga ayaa haweeneydaan ku eedeeyay arrimo ay kamid yihiin masuqmaasuq iyo ku tagri falka hantida dadweynaha, ilo dhanka garsoorka ah oo warbaahinta la hadlay ayaana sheegay, in madaxweynihii hore ee dalkaas oo 77 jir ah ay maxkamadda ka soo muuqatay iyadoo caadfimaad qabta, taas oo laga yaabo inay nolosheeda inta ka dhiman xabsiga ku qaadato.

Sochi ayaa xabsiga loo dhaadhicyay wixii ka dambeeyay afgambigii dalkaasi ka dhacay bishii febraayo ee sannadkii 2021-ka, waxaana lagu soo oogay 5 dacwadood oo la xiriira musuq maasuq iyo wax is daba marin, iyadoona mrar badan ay kasoo muuqatay maxkamadda, waxayna ku xiran tahay xasbi infiraadi ah oo ay mellatarigu gacanta ku hayaan.

Sidoo kale waxaa xiran madaxweynihii iyada ka horreeyay, kaas oo isana lagu magacaabo Win Myint, ilahaan xagga garsoorka ah ayaana sheegaya in Win lagu xukumay ganaax lamid ah kan ay wajaheyso Sochi, mid walbana uu racfaan ka qaadan doono xukunka maxkamadda.

Bishii June ee sannadkii 2021-ka ayay si rasmi ah u billaabatay maxkamadeynta haweeneydaan, waxyaabihii lagu soo eedeeyay xilligaasna waxaa kamid ahaa, iney musuq maasuqday doorashadii ka dhacay gudaha dalka, iney ku tumatay siraha dowladda, iyo iney qaaday xayiraadihii cudurka Corona ee saarnaa inta badan magaalooyinka waaweyn ee dalkaas.

Dacwadaha lagu soo oogay Sochi, oo ay cambaareeyeen hay’adaha sheegta iney udoodaan xuquuqul insaanka, ayaa dalka u furaya xaalad hubanti la’aan ah, iyadoo sannadka 2023-ka la filayo iney doorashooyin ka dhacaan dalka Miyan Maar, kuwaas oo uu horay u ballan qaaday nidaamka afgambiga.

In ka badan 2600 oo qof ayaa la dilay tan iyo wixii ka dambeeyay fagambigii ka dhacay dalkaan, ciidanka Mellatariga iyo Maleeshiyaad hubeysan oo ka jira dalka Miyan Maar ayaana midba kan kale ku eedeeyay leynta boqallaal ruux oo rayid ah.

Hey’adaha u dooda xuuqda aadanaha ayaa sheegaya, in ciidamada mellatariga ay duqeymo bahalnimo ah la beegsadeen dadka rayidka ah, ayna dileen kumannaan ruux oo aan waxba galabsan, taas oo ka dhigan dambiyo dagaal oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Maadaama ay gaaladu kawada siman yihiin leynta Muslimiinta ayaa waxaa durbaba xukunkaan dhaleeceeyay qaar kamid ah dowladaha reer galbeedka iyo Midowga Yurub, kuwaas oo cadaalad darro ku tilmaamay xukunka cusub ee lagu riday madaxweyinihii hore ee Miyan Maar.

Dowladda Mareykanka oo calanka u sida duullaanka saliibiga ah ee lagu qaaday wadamada caalamka islaamka, ayaa si adag u dhaleeceysay xukunka taliska mellatariga ee MiyanMaar, iyadoona codsatay in sida ugu dhaqsiyaha badan xabsiga looga soo saaro haweemeydaan mujrimadda ah, afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaana sheegay, in xukunkaan uu ihaano ku yahay waxa uu ugu yeeray cadaaladda iyo shuruucda caalamiga ah.

Dhibaatada ugu badan waxaa wajahaya Muslimiinta Rohongiya ee aqalliyadda ku ah dalka Barma, badi dadka ay laayeen ciidamada mellatariga iyo maleeshiyaadka ka dhisan dalkaas ayaana ah dadka Muslimiinta, taas oo keentay iney dalka isaga qaxaan, iyagoona dhibaatooyin adag ku wajahaya wadamo ay kamid yihiin Bangaladhesh Maleziya iyo Indonosia, halkaas oo ay maciin bideen kadib markii laga soo barakiciyay dhulooda.

Halkaan Ka Dhageyso Warbixin_Cajuusada_Miyanmar_heystay_oo_xabsiga_loo_dheereeyay.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.