Mujaahidiinta Oo Dagaal Kula Wareegay Degaan U Dhaw Magaalada Baladweyne.
Wararka ka imaanaya duleedka Magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa ku waramaya in ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay dagaal cagmarin ah kula wareegeen degaan u dhaw Magaalada.
Weerarkaan ayay Mujaahidiintu ku ekeeyeen fariisinka ciidanka DF ay ku leeyihiin degaanka Tarajanta oo qiyaastii 30Km dhanka bari uga beegan magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.
Ciidankii ku sugnaa degaanka ayaa kala firxaday, waxaana lagu soo waramaya in ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay si buuxda gacanta ugu dhigeen degaankaan ku dhaw magaalo madaxda gobalka Hiiraan ee bartamaha dalka.
Waxaa iminka degan xaaladda degaanka oo ay ku sugan yihiin ciidamada Al-Shabaab, kadib markii ay qori caaraddii kaga ceyriyeen ciidankii halkaasi ku sugnaa.