Nin Mareykan Ah oo Loo Xiray Inuu Ka Hadlay Duqeymaha Shacabka Soomaalida Lagu Laayo oo Xoriyad Loo Raadinayo. (Warbixin)

Maxkamadaha Mareykanka ayaa xukunka eedeysanaha u cuskaday sharcigooda jaasuuska.

Dowladda Mareykanka ayaa eed kusoo oogtay falanqeeye caan ah oo dalkaasi u dhashay kadib markii uu ka hadlay xadgudubyada ay diyaaradaha Mareykanku ka geystaan dalka Soomaaliya iyo gumaadka bahalnimada ah ee ay kula kacaan shacabka.

Falanqeeyaha oo lagu magacaabo Daniel Hale ayaa kiiskiisa dambi laga dhigay, hase ahaateen Ilhaan Cumar oo ah haweeney Soomaalida ah oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka ayaa dalbatay in la cafiyo.

Daniel ayaa faafiyay dukumintiyo bannaanka soo dhigaya xadgudubyada ay diyaaradaha Mareykanku ka geysteen wadamo kamid ah caalamka islaamka oo ay Soomaaliya kamid tahay.

Inkastoo Ilhaan ay isku dayayso iney difaacdo ninkan, haddana waxay qudheeda ku tilmaameysaa nin ku dhacay khalad weyn kadib markii uu faafiyay sirta qarankiisa soona bandhigay waxyaabo aan loo baahneyn oo qarsoonaa.
Falanqeeyaha ayaa xiran in muddo ah, waxaana la xasuustaa baaq sannadkii 2021-kii loo diray aqalka looga taliyo Mareykanka oo lagu dalbanayo sii deynta maxbuuska.

Mareykanka ayaa dadka Afrikaanka ah iyo suxufiyiinta u sheega in ay xaq u leeyihiin xoriyatul-qowlka, saasoo ay tahayna ogola in laga hadlo tacadiyada uu geysto, ciddii soo bandhigtana wuxuu u arkaa dambiile.

“Denial wuxuu bidhaamiyay dhibaatooyinka sharciga iyo akhlaaqda ee duqeymaha diyaaradaha aan duuliyaha lahayn wuxuu ogeysiiyay dadweynaha waxyaabo u baahan in la soxo oo khalad ah”  ayay mar kale tiri Ilhaan oo hadalkan ka jeedisay goob ay saxafaddu joogtay kuna sugnaayeen taageerada falanqeeyaha maxbuuska ah.

Ninkan ayaa sannadkii hore lagu xukumay 45 bilood oo xarig ah, waxaana dukumiintiyada ku jira duqeymo badan oo rayid muslimiin ah lagu gumaaday oo ka kala dhacay Afganistaan, Yeman, Bakistaan iyo Soomaliya.

Maxkamadaha Mareykanka ayaa xukunka eedeysanaha u cuskaday sharcigooda jaasuuska oo la qoray sannadkii 1917-dii. Haddii uu ninkaasi dalkiisa ka mutay iney jaasuusnimo ku xukumaan, waxaa la isweydiin karayaa xukunka kuwa sheegta xasuuqa Mareykanka.

Madaxwweynaha DF Xassan Sheekh Maxamuud ayaa aad u bogaadiyay duqeyn ay diyaaradaha Mareykanku ka geysteen degaanka Mubaarak ee wilaayada Sh/hoose islamarkaana ku dileen 8 qof oo rayid ah oo u badnaa gaadiidley.

Haddii uu jiri lahaa nin Mareykan ah oo sameeya cagsiga Xassan Sheekh ama bogaadiya weerarkii Mandabay ay ku qaaday Xarakada Al-Shabaab, muxuu noqon lahaa xukunka ay ku riddo xukuumadda Washington?

Warbaahinta Mareykanku waxay sheegeysaa in falanqeeyaha la xukumay uu la shaqeynayay Obama muddo xileedkiisii hore, goortaasoo ay sii kordheen duqeymaha lagu beegsanayo shacabka muslimiinta ah. 563 duqeyn ayaa xilligii Obama lagu beegsaday wadamada Soomaaliya, Bakistaan iyo Yeman.

Si kastaba ha ahaateen waxaa muuqata in Mareykanku ay jaasuus u arkaan aqoonyahankooda ka hadla ficillada gurracan ee ay ku kacayaan diyaaradaha dagaalka, waxaana la yaab leh iney ka sameysteen dalkeena rag lagu sheegay aqoonyahano uu u basaasa kuna mideysan hey’adda Heritage oo loogu magac daray Heritage-ta dalkaasi ka jirta ee sameysa basaasnimada cilmiga ku dhisan.

 

 

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.