Qarax Iyo Kamiin Ka Dhacay Shabeellooyinka Iyo Ergay Lagu Dilay Banaadir.

Gobolka Shabeellaha Dhexe gaar ahaan duleedka degaanka Al-kowthar waxaa qarax xooggan lagu beegsaday gaari nuuca C/bilaha ah oo uu leeyahay Taliyaha Booliska maamulka Hirshabelle, Xasan Dhicisow Xasan.

Inta xaqiijiyay ugu yaraan 5 askari oo kamid ah ilaalada Taliyaha ayaa ku dhaawacmay, halka uu bur-buray gaarihii uu heelay qaraxaasi.

Dhanka Shabeellada Hoose ciidamada Mujaahiidiinta AlShabaab ayaa weerar dhabba-gal ah waxay la beegsadeen askar katirsan ciidanka DF.

Kamiinka oo ka dhacay agagaarka tuulada Balow ee u dhaw degaanka Bariire ee hoostaga degmada Afgooye ayaa waxaa lagu dilay hal askari sidoo kalena waxaa lagu dhaawacay 4 kale.

Sidoo kale howlgal gaar ah oo ay Mujaahidiintu ka fuliyeen degaanka Weydow ee duleedka magaalada Muqdisho waxay ku dileen Maxamed Nuur Yarow oo ahaa ergada soo dooratay xildhibaanada Baarlamaanka DF ee ka yimid maamulka Koonfur-galbeed.

Howlgalladan ayaa ku soo aadaya saacado ka hor markii guutada qaraxyada AlShabaab ay qarax xooggan ku weerareen gaari C/Bile ah oo uu watay Saraagl Taliye horin ah oo ka tirsan DF oo lagu magacaabi jiray Gaashaanle C/Rashiid Cali Lugeey (Cabdi Maleyko) waxaana qaraxaasi ku nafwaayay Taliyaha iyo 4 askari oo kale halka 8 kalena ay ku dhaawacmeen.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.