Qaraxyo Gaadiid Lagu Gubay oo Ka Dhacay Muqdisho & Bay.
Hawlgallada ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa ah kuwa si dardar leh ku socda.
Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxaa maanta ka dhacay laba weerar oo uu midkood qarax yahay, halka gobolka lagu beegsaday ciidamo Itoobiyaan ah.
Muqdisho hadaan ku horreyno waxa uu weerarka koowaad ka dhacay degmada Dayniile kaasoo ahaa qarax ay ciidamada Xarakada Al-Shabaab la beegsadeen gaari Qooqan ah oo ay askar saarnaayeen.
Qaraxa ayaa la kacay gaariga waxaana dhimasho iyo dhaawac noqday askartii saarnayd. Waxaa la xaqiijiyay in 3 askari ay ku dhimatay qaraxa. Goobjoogayaal waxay inoo sheegeen iney arkayeen meydadka ciidamada iyo dhaawacyada oo goobta laga qaadayo.
Isla Muqdisho, hawlgal qorsheysan oo ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka fuliyeen xaafadda Juungal ee degmada Yaaqshiid ayaa waxay ku dileen askari ka tirsan ciidanka dowladda federaalka, askariga ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Daahir Diiriye.
Gobolka Bay waxaa maanta ka dhacay weerar qarax ah oo lala beegsaday ciidamo Itoobiyaan ah, qaraxa oo ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo ayaa haleelay gaari ay saarnaayeen soo duulayaasha Xabashida, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.
Hawlgallada ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa ah kuwa si dardar leh ku socda laguna beegsanayo ciidamada shisheeye iyo kuwa DF.