Sawirro: Beesha Ciroole oo Xoolo Ku Wareejisay Wilaayada Sh/hoose.

Waxaa aad isku soo taraya qabaa'ilka Soomaaliyeed ee sida weyn u garab istaagaya Mujaahidiinta.

Beesah Ciroole oo kamid ah beelaha dega Wilaayada Islaamiga ah ee Sh/hoose ayaa munaasabad ballaaran oo ay ku qabatay degaankeeda ku muujisay sida ay u garab taagan tahay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Beesha ayaa sheegtay iney Alle dartii ku bixineyso 250 neef oo Ari ah oo ay ugu tala gashay in la gaarsiiyo ciidamada Milatariga Mujaahidiinta ee ku jira jiidaha hose ee dagaalka.

200 oo kamid ah Ariga waxaa bixiyay odayaasha dhaqanka halka 50 ay ku deeqeen gabdhaha ku nool degaanka Nasrudiin oo ay beeshu degto islamarkaana hoos taga degmada Baraawe.

Odayaasha ayaa la arkayay iyagoo garwaaxsan hubkooda islamarkaana codsanaya in la geeyo furimaha hore ee dagaalka si ay laba guul midood usoo xaqiijiyaan, waa Nasri ama Shahaado.

Waxaa aad isku soo taraya qabaa’ilka Soomaaliyeed ee sida weyn u garab istaagaya Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyagoo aad uga soo horjeeda shisheeyaha iyo maamulada ku daaban.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.