Sawirro: Gaari Gaashaaman oo Ciidanka Itoobiya Looga Gubay Bay.
Si kastaba ha ahaatee sawirrada lasoo bandhigay ayaa muujinaya heerka uu gaarsiisan yahay jabka ciidamada Itoobiya.
Dagaal dhawaan ka dhacay gobolka Bay islamarkaana ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab kula wareegeen degaanka Daynuunaay ayaa waxaa khasaare lixaad leh lagu gaarsiiyay ciidamada Xabashida Itoobiya iyo kuwa maamulka Koofurgalbeed.
Sawirada lasoo bandhigay ayaa muujinaya gaari gaashaaman oo ah nooca loo yaqaano BMP ah oo ciidamada xabashida Itoobiya looga gubay wadada u dhaxaysa Baydhabo iyo Daynuunaay kadib kamiin ay dabayaaqadii isbuucii hore u dhigeen ciidamada milatariga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Waxaa jira gaari kale oo ciidamada Itoobiya looga gubay dagaalka hase ahaatee ay u jiiteen dhanka magaalada Baydhabo sida aan xogta ku helnay, laakin waxay qaadan waayeen gaarigan gaashaaman maadaama uu cuslaa dagaalka ay wajahayeen.
Waaliga wilaayada islaamiga ah ee Bay Sheekh Xamsa Abuu Jacfar ayaa wareysi uu dhawaan siiyay Idaacadda ku hadasha Afka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee Andalus ku sheegay in ay ciidamada Itoobiya ka dileen 21 askari kadib weeraro isugu jira jidgal iyo qaraxyo ay la beegsadeen.
Wuxuu sheegay in dagaalkaasi kadib ay si buuxda ula wareegeen degaanka Daynuunaay oo qiyaastii 20km u jira magaalada Baydhabo halkaasoo ay ka hawlgaleen waaxyaha kala duwan ee maamulka lana billaabay ka shaqeynta adeegga bulshada iyo ammaanka.
Si kastaba ha ahaatee sawirrada lasoo bandhigay ayaa muujinaya heerka uu gaarsiisan yahay jabka ciidamada Itoobiya, waxaa la arkayaa gaariga gaashaaman oo ay dusha ka saaran yihiin ciidamada Mujaahidiinta oo wata calanka uu towxiidku dhaxda kaga qoran yahay.Wadada laamiga waxaa laga dheehanayaa in uu shidaal badan ka daatay gaadiidka la gubay, gaariga gaashaaman ayaa waxaa laga soo sawiray xataa gudihiisa wuxuuna u muuqdaa gaari cusub.
HOOS KA DAAWO SAWIRRADA