Sheekh Yuusuf Kaba kutukade oo loo magacaabay waaliga cusub ee Sh/dhexe.
Kadib munaasabad ballaaran oo lagu qabtao gobolka Sh/dhexe ayaa lagu magacaabay waali cusub oo ay yeelato wilaayada.
Munaasabadda oo ay kasoo qeyb galeen, waxgaradka iyo qeybaha kale duwan ee bulshada Sh/dhexe ayaa shalay gelinkii dambe lagu qabtay degmada Aadan Yabaal waxaana xilalka loogu kala wareejinayay mas’uuliyiinta wilaayada.
Sheekh Yuusuf Ciise Kaba Kutukade ayaa loo magacaabay waaliga cusub ee wilaayada Sh/dhexe waxaana xilkaas horay u hayay oo laga wareejiyay Sheekh Abuu Cabaas.
Mas’uuliyiin katirsan Maktabka siyaasadda iyo wilaayaatka Xarakada oo munaasabada magacaabista ku sugnaa ayaa waaliga cusub Alle uga baryay in uu lagarab galo mas’uuliyadda culus ee qoorta loo suray.
Sheekh Yuusuf Kaba Kutukade ayaa muddo sanado ah waali kasoo ahaa Sh/dhexe isagoona durbadiiba hoggaamiyay dagaallo culus oo maanta ka dhacay duleedka deegaanka Nuur Dugle.
Xigasho: Somalimemo.