Turkiga Oo Sii Xoojiyay Cilaaqaadka Kala Dhaxeeya Maamulka Yuhuudda.(Warbixin)
Dowladda Turkiga ayaa sii xoojisay cilaaqaadka kala dhaxeeya Maamulka Yuhuudda ee xoogga ku heysta ku heysya dhulalka Muslimiinta ah ee reer Filastiin, iyadoona kayaanka Suhyuuniga ah uu danjire cusub usoo magacaabay xukuumadda Ankara.
Inkastoo ra’yu caamka bulshada lagu marin habaaninayo in sanadihii lasoo dhaafay ay xiisado siyaasadeed u dhexeeyeen Yuhuudda iyo Turkiga, ayay haddana dadka Muslimiinta ah kawada dharagsan yihiin xiriirka ka dhaxeeya Yuhuudda iyo xukuumadda Ankara, kaas oo ka wanaagsan kan uu maamulka Yuhuudda la yeelay dowladaha carbeed ee ku yaalla Mandiqadda loogu yeero bariga dhexe.
Maalintii shalay oo talaado aheyd waxaa caasimadda dalka Turkiga lagu soo dhaweeyay, haweeneyda ah dnjiraha cusub ee Yuhuudda u fadhin doona Turkiga, iyadoona Madaxweynaha Xukuumadda Ankara Urdugan uu warqadaha aqoonsiga ka gudoomay danjiraha cusub.
Bilooyinkii lasoo dhaafay madax sar sare oo katirsan Maamulka Yuhuudda, islamarkaana uu ku jiro Madaxweynaha Kayaanka Suhyuuniga ah ee Isxaaq Hertizog ayaa booqashooyin kala duwan ku imaanayay dalka Turkiga, kuwaas oo ay ujeedoodu tahay in lagu sii xoojiyo cilaaqaadka ka dhexeeya labada dhinac.
Dowladda Turkiga ayaa kaalin weyn ku leh duullaanka ay Suhyuu Saliibka caalamka ku qaadeen wadamada caalamka islaamka, inkastoo dadka lagu siro shicaaraad been ah oo ku aaddan in Turkigu uu ka shaqeynayo danaha Muslimiinta, ayay haddana warbixinnadu daaha ka rogayaan, dowrka qarsoon ee ay xukuumaddaan Cilmaaniyadda ah ku leedahay dagaalka ka dhanka ah Islaamka iyo Muslimiinta.
Marka laga hadlo xiriirka ka dhaxeeya Turkiga iyo Yuhuudda, waxay xukuumadda Ankara taageero joogta ah oo isgu jirta mid mellatari iyo mid dhaqaalaba la garab taagan tahay kayaanka Suyuuniga ah, iyadoona dowr muuqda ku leh duullaanka lagu hayo dadka Muslimiinta ah ee reer Filastiin.
Haddii aan u nimaadno Soomaaliya Turkiga oo qeyb ka ah isbaheysiga NATO ayaa ku takrifalaya dhaqaalaha dalka, wuxuu gacanta ku dhigay Dakada iyo Airport-ka, wuxuu dalka ka hirgeliyey saldhig military oo uu ku ilaalsanayo boobka dhaqaalaha dalkeena, waana saldhigga ugu weyn ee dalkiisa ka baxsan ee uu dunida ku leeyahay sida la ogyahay, Turkiga ayaana sidoo kale ah midka hadda Itoobiya ka taageeraya Mashruuca biya xireenka An-Nahda.
Halkaan Ka Dhageyso Warbixin Turkiga oo sii xoojiyay Cilaaqaadka kala dhexeeya Yuhuudda.