Waa Maxay Ujeedada Safarka Xassan Sheekh Ee Dibadda?

Siyaasiyiinta qaar ayaa sheegaya in Xassan Sheekh uu safarkan u arko mid kusoo aaday waqti dhankiisa munaasab ah, waxa uu uga dhuumanayaa ama uu doonayaa inuu ku caajis galiyo mooshinka.

Madaxweynaha DF Xassan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galaya shir ka dhacaya dalka Mareykanka oo u dhaxeeya madaxda Afrika iyo Mareykanka kaasoo xoogga lagu saarayo dhaqaalaha maadaama xukuumadda Washington ay Afrika u aragto keyd ay ka faa’iideysan karto.

Inta uusan aadin Mareykanka waxa uu kasii qeyb gali doonaa gabagabada shir ay halkaasi ka waday hey’adda Heritage oo ah hey’ad sirdoon balse wadata magaca cilmi baarista islamarkaana uu leeyahay Mareykanka.

Hey’adda ayaa diraaseysa sida loo qabsan akro Soomaaliya, daldaloolada iyo meelaha ay ka liitaan shacabka Soomaalida, qabaa’ilka u nugul ajnabiga iyo awooda Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab. Xassan Sheekh ayaa khudbad ka jeedin doonaa xeritaanka shirka hey’addaasi, waxaana suura gal ah in uu la kulmo madaxweynaha dalka Jabuuti oo ay horey u kulmeen wax yar kadib doorashadiisii.

Safarkiisa Jabuuti kadib ayuu aadi doonaa dalka Mareykanka si uu uga qeyb galo shirka Afrika iyo Mareykanka, waxa uu la shir tagi doonaa cabasho uu ka qabo xaaladda adag ee ay dowladdiisu mareyso iyo sida uu u dhaqaaqi la’yahay dagaalkii uu buunkiisa wax ka yeerinayay.

Waxaa soo baxayay warar sheegaya in Soomaali ku nool Mareykanka ay ku goodinayeen iney ku bannaan baxayaan Xassan Sheekh gaar ahaan dadka kasoo jeeda gobolada Waqooyi maadaama uu kal hore si qallafsan u weeraray goboladaas, laakin wuxuu saacado ka hor sheegay in uu aad u daneynayo in lasoo celiyo wadahadalada dowladdiisa iyo Somalilanad.

Siyaasiyiinta qaar ayaa sheegaya in Xassan Sheekh uu safarkan u arko mid kusoo aaday waqti dhankiisa munaasab ah, waxa uu uga dhuumanayaa ama uu doonayaa inuu ku caajis galiyo mooshinka ammaanka ku saabsan ee ay wadaan xildhibaanada, inta uu maqan yahay wuxuu madaxtooyada fariisiyay Aadan Madoobe, taasoo keeneysa marka dastuurka dowladda la eego in uusan Aadan gudoomin karin Baarlamaanka islamarkaana uusan mooshin qaban karin.

Sidoo kale Sacdiyo oo uu mooshin ka yaallo ayaanan shir gudoomin karin Baarlamaanka wuxuuna gudoomiye kuxigeenka labaad ka dalbaday in uusan qaban mooshin, laakin arrintaasi waa laga diiday inkastoo ay suura gal tahay in uu si hoose u xalliyay, laakin xildhibaanada ayaa sheegaya iney ka go’an tahay la xisaabtanka dowladda.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.