Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaal Cagmarin Ah oo Ka Dhacay Duleedka Kismaayo.

Wuxuu ahaa dagaal culus oo ay digaacidiisa xamili waayeen ciidamada DF. Askarta Al-Shabaab ayaa dagaalka ku furtay 5 qori AK47 ah iyo...

Faahfaahin ayaa kasoo baxaysa dagaal ay saaka ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab kula jarmaadeen saldhiga ciidamada DF ee deegaanka Singaleer ee hoostaga magaalada Kismaayo.

Ugu yaraan 13 isuhu jirta saraakiil iyo ciidamao ayaa DF looga dilay dagaalka waxana inoo suura gashay inaan helno magacyadooda:

1-Shaati waa Taliye Horin.

2-Musalle waa Taliye Horin.

3-Macalin Siyaad Waa Taliye Koox.

4-Guuleed waa Taliye Unug.

5-Sujuu waa Taliye Unug.

6-Zakariye waa Askari .

7-Canjuuf waa Askari.

8-Dalab waa Askari.

9-Xasan Cimraan waa Askari.

10-Yuusuf Cabdullaahi waa Askari.

11-Maxamed Faarax waa Askari.

12-Aadan Buluuko waa Askari.

13-Abuukar Buluuko waa Askari.

Sida aan xogta ku heleyno labada askari ee u dambeysa waa ay isla dhasheen waxaana ay dagaalka kaga jireen hal aag kuwaasoo markuu dhimanaayay isagoo naftu ku dabayartayahay ku calaacalayay iney nasiib daran yihiin isaga iyo walaalkii. Sidoo kale dagaalka ayaa waxaa ku dhaawacmay 14 kale.

Wuxuu ahaa dagaal culus oo ay digaacidiisa xamili waayeen ciidamada DF. Askarta Al-Shabaab ayaa dagaalka ku furtay 5 qori AK47 ah iyo qori RBG-ah.

Dagaalkan ayaa kusoo aaday iyadoo ciidanka DF ee ku sugan duleedka magaalada Kismaayo ay sii laba jibaareen dhaca ay u geysanayaan gaadiidka dadweynaha.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.