Weeraro Kamaa’in Ah Oo Ka Kala Dhacay Goballada Mandheera & Gaarisa ee dhulka NFD.

Gaari ciidamada Kenya leeyihiin oo ku gubanaya gudaha dhulka Kenya

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa maalin ka hor waxay weerar kamiin ah la beegsadeen gaari Kooyal ah oo ay ka buuxeen Maleeshiyaadka loo yaqaanno Home Guard ee ay taba baratay dowladda Kenya, iyo Injineerro u shaqeynayay xukuumadda Nairobi.

Weerarkaan ayay Mujaahidiintu ku dileen 1 Askari oo kamid ahaa Maleeshiyaadka, halka ay ku dhaawaceen 8 kale, kuwaas oo qaarkood laga deyrinayo xaaladooda caafimaad, maadaama ay soo gaareen dhaawacyo daran.

Intaa waxaa dheer in Mujaahidiintu ay waxyeello xooggan gaarsiiyeen gaarigii ay la socdeen Maleeshiyaadka iyo Injineerrada u shaqeynayay dowladda Kenya.

Dhinaca kale weerar dhabba-gal ah ayay Mujaahidiintu ka fuliyeen waddada jaayga ah ee isku xirta magaalada Gaarissa iyo xeryaha qaxootiga, waxayna ilo wareedyo lagu kalsoon yahay xaqiijiyeen in howlgalkaasi ay waxyeello xooggan kasoo gaartay gaari Cabdibile ah oo qayb ka ahaa kolonyada ciidanka Kenya.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.