Xassan Sheekh oo Caalamka U Muujiyay In Aysan Dowladdiisu Iska Dhicin Karin Al-Shabaab. (Warbixin)
Xassan Sheekh ayaa cod dheer ku sheegay in dowladdiisu ay khatar ugu jirto Xarakada Al-Shabaab.
Madaxweynaha DF Xassan Sheekh Maxamuud oo doorashadiisii kadib sii cusbooneysiiyay dagaalkii awalba ka dhaxeeyay dowladda iyo Atmis oo dhinac ah iyo Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa caaalamka ka iibiyay in aysan xukuumaddiisu awood milatari isaga dhicin karin islaamiyiinta ka taliya inta badan bartamaha iyo koofurta Soomaaliya.
Isagoo u muuqda mid saluugsan taageerada milatari ee ay Mareykanka iyo Turkidu siinayaan ayuu caalamka ku bixiyay safarro uu dowlado shisheeye uga dalbanayo iney kula goobtaan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab. Bartamihii bishii September wuxuu u socdaalay Mareykanka halkaasoo uu kula kulmay madaxda dalkaas una sheegay in Xarakada Al-Shabaab ay tahay awood aan la dhayalsan karin islamarkaana aan Mareykanka la’aantiis lala dagaalami karin.
Isla dhammaadkii bishaas wuxuu shirka 77aad ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ka dhacayay Newyork ka sheegay in ay dowladdiisu wado dagaal ay ka qeyb qaadanayaan sida uu hadalka u dhigay shacabka, hase ahaatee uu u baahan yahay in laga gacan siiyo. Shirkaasi kadib sida ay soo bandhigeen warbaahinada caalamiga ah wuxuu kulamo gaargaar ah la qaatay madaxweynahaasha, Kenya William Ruto, Imaaraatka Carabta Maxamed Binu Saayid, Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, Aljeeriya Cabdulmajiid Tamuun, Burundi Évariste Ndayishimiye, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Ra’iisul Wasaaraha Finland Marwo Sanna Marin.
Dhammaantood wuxuu ka codsaday in ay dowladdiisa garab ku siiyaan la dagaalanka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab isagana uu diyaar la yahay wax walba oo looga badalanayo arrintaas. September dhammaadkeedii ficilkii uu ka sameeyay goobtii lagu aasayay boqoraddii Ingiriiska Elizabeth II waxay ahayd farriin sawir ahaan loo akhrisan karo oo uu ugu tala galay in uu kusoo jiito dadka Nasaarada ah sida ay sheegeen siyaasiyiin badan oo tacliiq ka dhiibtay rukuucdii iyo ooyintiisii.
Kadib ka qeyb galkiisii aaska wuxuu kulan muddo kooban socday London kula qaatay madax iyo saraakiil dhanka sirdoonka ah, farriinta uu u dhiibayna waxay ahayd iney ku gacan siiyaan la dagaalanka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab. Meel walboo uu tago wuxuu ka caddeynayay in Al-Shabaab yihiin awood dhan walba ka dhisan oo aaney dowladdiisa iyo ciidamada Atmis u babacdhigi karin.
Halka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay mar walba ka sheegeyso iney Alle kaashanayso ayuu 70 jirkan dadaal ku bixinayaan inuu kaalmeysto shisheeyaha, kulankii ugu horreeyay ee uu ku dalbado garab siinta dowladdiisa wuxuu u doortay Yahuuda oo uu madaxdooda kula soo kulmay dalka Imaaraatka Carabta, waana tii muddo lix maalmood ah la baafinayay lana waayay halka uu jaan iyo cirib dhigay, wararka qaar ayaa tilmaamaya in diyaarad khaas ah looga qaaday Dubay lana geeyay Tel Aviv.
Mudada lixda bilood ah ee uu fadhiyo madaxtooyada wuxuu laba goor tagay Itoobiya, mar uu kusii hakaday isagoo u socday Mareykanka iyo mar uu toos u aaday, sidoo kale muddo 5 goor ah ayuu u diray wufuud kala duwan oo ay wasaaradda dibadda horkacayso, intaas oo safarro ahna waxay wateen laba farriin oo ah in Itoobiya laga raali galiyo xiriirka ay Villa Soomalaiya la sameysay Masar iyo in laga dalbado kaalmo dheeraad ah. Askarta Xabashida ee duullaanka ku jooga qeybo kamid ah Soomaaliya ayaa xilligan ku go’doonsan degmooyinka ay joogaan waxaana raashinka iyo sahayda loogu keenaa diyaarado.
Hogaamiyaha faanka badan ayaa ku hungoobay dhammaan safaradii kala duwanaa ee uu bixiyay, wuxuu culeyska iyo fadeexadda ugu weyn kala kulmay madaxweynaha dalka Erataria Isaias Afwerki oo gacanta ku haya 5 kun oo malleyshiyo ah oo uu dalkaasi hab shirqool ah ugu diray madaxweynihii isaga ka horreeyay ee Farmaajo, waxaa laga diiday damacii ahaa in lagu soo wareejiyo dhallinyaradaas si uu ugu adeegsado dagaalada iyadoo lagu xiray shuruud dhaqaale oo aad u badan. Labadii mar ee uu tagay Erataria waxaa kasoo raacday fadeexad iyo waji-gabax taasoo ay falanqeeyeyaashu sheegeen iney sabab u tahay siyaasad xumadiisa. Xilligii Farmaajo wuxuu si indho la’aan ah u dhalleeceeyay madaxweynaha Erataria oo uu ku tilmaamay nin cadaw ah, markii uu kursiga ku fariistayna wuxuu isagoo qoslaya ku sheegay inuu yahay walaal abaal u galay ummadda Soomaaliyeed oo aan la illaawi karin!.
Mid kamid ah qisooyinkii ugu qosolka badnaa ee uu kala kulmay madaxdii uu gacmaha u hoorsanayay waa sheekada isaga iyo madaxweynaha Uganda, bishii Augost 2022. Wuxuu isku dayay inuu ku beer laxawsado baadariga hogaamiya dalkaas Yoweri Museveni, laakin jawaabta uu helay ayaa ahayd mid aad loola yaabay, Museveni wuxuu Xassan u sheegay in uu Soomaaliya usoo diray ciidan badan wax intaa dheerna uusan awoodin, haddiise laga fursan waayo uu siinayo rasaas ay ciidamadiisu isaga celiyaan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Maalmihii lasoo dhaafay wuxuu madaxweynaha DF maqaallo ku qorayay wargeyska The Guardian ee kasoo baxa dalka Ingiriiska kaasoo uu muddo 5 goor ah ku qeexay in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay tahay awood halis ku ah jiritaanka dowladdiisa, wuxuu ku nuuxnuuxsaday in muddo 3 goor ah uu ka badbaaday isku day lagu dili lahaa. Wargeyska ayaa qoraalkii u dambeeyay ee uu saacado ka hor arrintan kaga hadlayo ku sheegay in Xassan Sheekh uu u sheegay in dowladdiisu ay khatar ugu jirto Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Si kastaba ha ahaatee waxaa muuqanaya in dagaalkii uu ku dhawaaqay uu kusoo dhammaanayo baryootan uu dowladaha reer galbeedka ku weydiisanayo in ay kula goobtaan dagaalyahanada islaamiga ah ee dabaqaya shareecada islaamka.