Xassan Sheekh oo Gudoonka Baarlamaanka Kala Haday Mooshinka Amniga.

Xogo hoose waxay sheegayaan inuu dalbaday in la baajiyo mooshinka isaguna uu diyaar la yahay dhaqaale uu isaga laaluusho Xildhibaanada mooshinka wada iyo gudoonka Baarlamaankaba.

Madaxweynaha DF ayaa habeenkii xalay kulan saacado qaatay madaxtooyada kula yeeshay gudoonka Baarlamaanka oo uu kala hadlay mooshin ku saabsan amniga ee lagu saxiixay kulankii u dambeeyay ee ay xildhibaanadu yeesheen.

Mooshinka oo ay markii hore keeneen 22 xildhibaan ayaa waxaa saxiixay ugu yaraan 44 xildhibaan taas oo awood u siineysa xildhibaanadu iney u yeeraan cid walba oo ammaanka ku shaqo leh.

Arrintan ayaa gaari karta in xataa uu Baarlamaanku kalsoonida kala laabto Ra’iisulwasaare Xamsa, Waxaana Xassan Sheekh isagoo taa ka baqaya uu habeenkii xalay kulan degdeg ah ka codsaday gudoonka Baarlamaanka.

Xogo hoose waxay sheegayaan inuu dalbaday in la baajiyo mooshinka isaguna uu diyaar la yahay dhaqaale uu isaga laaluusho Xildhibaanada mooshinka wada iyo gudoonka Baarlamaankaba.

Lama oga in taa la isku afgartay iyo in kale, laakin wuxuu kulankan kasii careysiin karayaa xildhibaanadii mooshinka watay oo u arki kara kulankan mid iyaga looga tashanayay. Xaalado ammaan oo aan la inkiri karin ayaa ka jira magaalada Muqdisho mar haddii la weeraray madaxtooyada.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.