Daawo Xassan Sheekh oo Jabuuti Uga Tacsiyeeyay Ciidamadii Ay Ku Weysay Soomaaliya Xilli Uusan Ka Tacsiyeyn Khasaarihii Villa Ross.

Xassan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay xeritaanka munaasabad ay dalka Jabuuti ku qabsanaysay hey’adda Heritage oo kamid ah hey’adaha cilmi baarista iyo macluumaadka ka uruuriya Soomaaliya una gudbiya Mareykanka.

Isagoo khudbeynaya islamarkaana uu hortiisa ka muuqdo madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa wuxuu sheegay in Soomaaliya ay ku dhinteen askar badan oo Jabuutiyaan ah taasina uu hubo iney ka dhalatay natiijo ah iney agoomo badan ku nool yihiin dalka Jabuuti.

Ciidanka Jabuuti oo uu soo kireystay Mareykanka duullaankooda Soomaaliyana ku siiyo dhaqaale aad u badan ayuu sheegay iney u yimaadeen iney ummadda Soomaaliyeed caawiyaan (sida uu hadalka u dhigay)

Xassan Sheekh tacsi ka dira dalalka ay ciidamada Atmis la baxay ka joogaan Soomaaliya isagoo doonaya inuu walaalnimo iyo beer laxawsi u muujiyo, waxaa la yaab leh inuu u tacsiyeynayo ciidamo xilliyo kala duwan Jabuuti looga dilay Soomaaliya isagoo aanan marnaba u tacsiyeyn dadkii 50 ka ka badnaa ee dowladdiisa looga dilay weerarkii madxtooyada gaar ahaan Villa Ros.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.