Xassan Sheekh oo Kulan La Qaadanaya Madax Ay Kala Didsanyihiin.

Kulankan oo aaney ka muuqan qabanqaabo badan oo u qalanta ayaa waxaa jooga dhammaan madaxda maamulgoboleedyada.

Madaxweynaha DF ayaa markii afaraad kulan isugu yeeray madaxda maamulgoboleedyada si ay uga shiraan qodobo xasaasi ah oo uu aad u daneynayo.

Kulankan oo aaney ka muuqan qabanqaabo badan oo u qalanta ayaa waxaa jooga dhammaan madaxda maamulgoboleedyada, Xassan Sheekh, Ra’iisulwasaarihiisa iyo gudoomiyaha maamulka Banaadir.

Shirka ayaa waxa uu kusoo aaday iyadoo ay colaad ka oogan tahay magaalada Baydhabo taasoo ay ku lug leedahay madaxtooyada Muqdisho sida marar badan ay sheegeen taageerayaasha Laftagareen.

Sidoo kale waxaa shirka goobjoog ah Saciid Cabdullaahi Deno oo uu khilaafka ugu adag kala dhaxeeyo Xassan Sheekh. Falanqeeyaashu waxay sii sheegayaan in aysan dhinacyadu ku heshiin karin dhammaan qodobada hor yaalla, waxaana ugu xasaasisan qeybsiga kheyraadka, sidoo kale waxaa jira qodob ay wataan Madaxgoboleedyada oo ku saabsan habka saamiqeybsiga.

Sidoo kale waxay ka wada hadli doonaan dagaalka waayahan socda kaasoo qudhiisa ay madaxda qaar aaminsan yihiin inaan si dhab ah loo qeybin hubka, lana siiyay dhinacyo iyo gobollo gaar ah.

Goobjoogayaasha waxaa kamid ah Axmad Madoobe oo culeys looga furay dhanka gobolka Gedo islamarkaana dareemaya xagaldaacin uga imaaneysa Xassan Sheekh xaggiisa.

Shirkan ayaa ah kii afaraad ee noociisa ah tan iyo markii Xassan Sheekh la doortay. Qaar kamid ah madaxda maamulgoboleedyada ayaa Xassan kala doodi doona khilaafaadka siyaasiga ah ee uu ku furay degaanada ay heystaan, lama oga natiijada ugu dambeysa ee kasoo bixi karta shirkan. (Valium)

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.