Xassan Sheekh oo Si Kalsooni Darro Ah U Hadlay 9 Maalmood Kadib Weerarkii Madaxtooyada.

Madaxweynaha DF Xassan Sheekh Maxamuud ayaa maanta jeediyay kalmad soconeysa in ka badan 20 daqiiqo kadib 9 maalmood oo ay kasoo wareegatay markii uu halista ku galay weerarkii Filla Ros iyo madaxtooyada.

Xassan oo ay dowladdiisu iyo warbaahintaba ka sugeysay inuu ka hadlo weerarkii weynaa ee madaxtooyada ayaa isku maaweeliyay arrimo kale oo ku aadan xaaladda ay dowladdiisu ku sugan tahay.

Wuxuu sheegay in ciidamadiisu la wareegeen degmada Aadan Yabaal ee wilaayada Sh/dhexe, isagoo walaac ka muujiyay in ay waayeen hal qof oo shacab ah oo dadka degaanka ka tirsan kuwaasoo iskood u barakacay iyagoo ka baqaya dil, dhac iyo kufsi.

Xassan Sheekh ayaa in ka badan 20 mar ku celceliyay magaca AL-SHABAAB xilli uu dowladdiisa iyo warbaahinada ku amray iney Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ugu yeeraan Khawaarij.

Waxyaabaha muujinayay isku dhex yaaca khudbadda Xassan Sheekh waxaa kamid ah inuu marar badan si dadban u handaday dadka dowladdiisa ka tirsan kana digay dhalliilaha iyo eedaha loo jeedinayo ciidankiisa iyo xukuumaddiisa.

Wuxuu ku celceliyay in Al-Shabaab ay dalka kasii dhammaanayaan xilli ay mas’uuliyiin badan oo ka tirsan dowladdiisu sheegeen in Shabaab ay maanta ka xoog badan yihiin sidii ay ahaayeen afartii sano ee hore ee uu Xassan Sheekh madaxweynaha ahaa warbaahintana ka sheegayay in Al-Shabaab laga adkaaday.

Ugu dambeyntii farriinta ugu weyn ee ay khudbadda Xassan Sheekh xambaarsanayd ayaa ahayd in uu kasii hordhacay lacago badan oo uu deyn ahaan magaca Soomaalida ugu soo qaadanayo si uu dano gaar ah ugu adeegsado.

Waxaa afartii sano ee hore loogu eedeeyay inuu qaatay hantidii dadweynaha oo ay dhulalku kamid yihiin, dhawaan wuxuu dhagax dhigay garoon diyaaradeed iyo guri looga dhisayo degmada Cadalle ee gobolka Sh/dhexe. Siyaasiyiinta qaar ayaa durbadiiba sheegaya in deynta uu Xassan Sheegayo uu ku doonayo inuu ku dhiso dekedo afar ah oo uu horey Farmaajo ugu wareejiyay Itoobiya, arrintanna waa heshiis uu Adisababa kula soo galay Abiy Axmad.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.