2 Askari oo Ka Tirsan DF & Jubbaland oo Lagu Dilay Fagaare Ku Yaalla Jamaame.
Dad badan ayaa soo xaadiray fagaaraha si ay xukunka u daawadaan.
Waxaa maanta fagaare ku yaalla Jamaame ka dhacay xukun lagu riday labo askari oo ka tirsan DF iyo Jubbaland oo ay siyaabo kala duwan usoo qabteen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Fagaaraha xukunka oo ay dad badan usoo daawasho tageen ayaa waxay maxkamaddu ka sheegtay Saadaam Cali Silikow oo 20 sano jir ah lagu soo oogay inuu ka tirsan yahay BS-ta Jubbaland.
Saadaam Cali Silikow ayaa fursad loo siiyay inuu ka jawaabo eeda loo jeediayay wuxuuna Maxkamadda horteeda ka qirtay inuu muddo 9 bilood ah ka tirsanaa ciidanka Nabad sugiida oo ay dadka qaar u yaqaanaan (ashahaado la dirirka”
Wuxuu xusay inuu ka shaqeyn jiray isgoysyada magaalada Kismaayo. Intaasi kadib waxaa la guda galay kiiska eedeysanaha labaad oo lagu magacaabo C/raxmaan Cabdullaahi Yuusuf 19 jir ah kaasoo lagu eedeeyay inuu kamid yahay ciidamada DF.
Cabdiraxmaan ayaa maxkamadda ka hor qirtay inuu muddo 6 bilood ah kamid ahaa ciidamada Booliska DF kadib markii ay muddo kooban tababar siiyeen Turkiga qeybta ka ah duullaanka lagu soo qaaday Soomaaliya ee lagu diidan yahay maamulada ku dhaqanka shareecada islaamka. Cabdiraxmaan ayaa kasoo shaqeeyay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Kadib qiraalka ay bixiyeen labada eedeysane waxay maxkamaddu ku dhawaaqday xukunkooda dhanka shareecada islaamka, waxaana ay ku dhawaaqday iney ku dhaceen fal riddonimo ah maadaama ay ciidan u ahaayeen maamullo ku jaal ah shisheeyaha.
Wuxuu qaadigu soo bandhigay adillooyin isugu jira Qur’aan iyo Axaadiith kadibna isla fagaaraha ayaa lagu fuliyay xukunka iyadoo la toogtay labada askari oo sii jeeda. Dadweynaha ayaa markaas ku dhawaaqayay takbiirta (Allaahu akbar)
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa soo dhaweysa askarta kasoo goosata DF balse midkii ay qabato isagoo kamid ah oo aanan kasoo laaban waxay horgeysaa maxkamadda kadibna kitaabka ayaa loo fiiriyaa.
Muddo bil laga joogo waxaa Al-Shabaab isku soo dhiibay darawalkii gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka si wanaagsan ayaana loo soo dhaweeyay kadib markii uu sheegay inuu kasoo baxay hadda wixii ka dambeeyaha uusan kamid ahaan doonin maamul ku jaal ah shisheeyaha.