4 Sano oo Kasoo Wareegatay Weerarkii 14 Riverside Nairobi. (Warbixin)

Ciidanka Kenya ayaa Soomaaliya kusoo duulay sannadkii 2011 illaa haddana waa ay joogaan.

Dheelitirnaanta dagaalka ma ahan in kaligaa laguugu soo duulo oo wixii la doonana lagaa sameysto walibana adigoo dhibane ah laguuguna sii daro dhalleeceyn iyo inaad tahay argagixiso, balse dheelitirnaantu waa in markii lagu qaniino aad wax qaniini kartaa.

Muddo afar sannadood ah ayaa kasoo wareegatay markii ay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab weerar ku qaaday dhismaha isku raranka ah ee 14 Riverside oo ku yaalla magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Weerarka oo dhacay 15-kii Janaayo, sannadkii 2019, ayaa waxaa lagu dilay dad badan oo isugu jira Kenyaan iyo ajaanib kale oo reer galbeed ah, waxaana ay todobaadkan si wadajir ah iyagoo tiiraanyeysan u xusayaan afar sanno guurada.

Booliska Kenya ayaa sheegay in xilli galab ah oo aan marnaba lagu tashanayn colaad ay ka war heleen in rag hubeysan ay gudaha u galeen dhismaha Dusit hotel ayna billaabeen iney isfidiyaan sidoo kalana toogtaan qof walba oo aan muslim ahay marka laga reebo habweenka iyo caruurta oo ay sii deynayeen.

“5 argagixiso ah ayaa weeraray dhismaha ku yaalla Riverside Drive ee Nairobi 15kii Janaayo ee sannadkii 2019 halkaasoo ay ku dhinteen 22 qof” sidaasi waxaa yiri sarkaal ka tirsan Booliska Kenya oo u waramay Wargeyska The Star ee kasoo baxa dalkaas.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa dhankeeda xaqiijisay in weerarka ay ku dishay 50 qof kuna dhaawacday tiro intaas ka badan. Sawirro dib loo baahiyay si loo xasuusto dhacdada ayaa waxaa laga dheehanayaa baqdinta ciidanka Kenya ee isku dayayay iney weeraraan Mujaahidiintii qabsaday dhismaha Dusit hotel.

Qoysas badan oo Kenyaan ah oo eheladooda ku waayay ayaa ubaxyo dhigaya qubuuraha ay ku aasan yihiin dadkii lagu dilay weerarka. Illaa iyo hadda waxay dowladda Kenya hilmaami la’dahay weerarkaasi maadaama marka laga yimaado khasaaraha nafeed uu u geystay khasaare hantiyeed oo aad u badan.

Hotel Dusit ayaa xirnaa muddo 6 bilood ah burburka soo gaaray aawgiis, dalku wuxuu waayay dalxiisayaasha reergalbeedka oo markii horaba aad u yareeyay imaanshahooda wixii ka dambeeyay weerarkii Westgate ee dhacay 2013kii.

Mareykanka ayaa aaminsan in weerarkii Dusit uu ahaa mid lagu beegsaday halbowle iyo bar xanuun badan, wuxuunta todobaadkan soo saaray war tacsi iyo niyad dhis isugu jira oo uu xukuumadda Kenya ugu sheegayo inuu baadi goobayo dadkii ka dambeeyay hawlgalkaas.

Sannadkii 2020 ayaa la xasuustaa in mu’asasada Al-kataa’ib ay baahisay muuqaal soconaya 7 daqiiqo oo lagu soo bandhigay siduu u dhacay weerarka, khasaaraha ka dhashay iyo muuqaallada raggii fuliyay oo kala ah, Maahir Khaalid Rizqi, Cusmaan Axmad Xasan, Maxamad Aadam Nuur, Cabdiqani Carab Yuusuf iyo Cali Saalim Kajuunji.

Weerarkan oo qeyb ka haa silsilado loogu magac daray “Qudus lama yaqhuudaynayo” ayaa jawaab celin u ahaa tallaabadii uu Donald Trump magaalada Qudus ugu aqoonsaday caasimadda Yahuudda iyo duullaanka ay ciidamada Kenya ku joogaan dalka Soomaaliya kuna dhibaateynayaan Muslimiinta kale ee ay xoogga ku heystaan.

Halkaan Ka Dhageyso Warbixin 4 sano guurada weerarkii 14 Riverside.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.