Al-Shabaab oo Dagaal Kula Wareegay Saldhiggii Ciidanka DF Ee Hilowle Gaab.

Waxaa muuqanaya in DF uu ku socdo dhiig bax badan.

Ciidamada milatariga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee wilaayada Sh/dhexe ayaa saaka dagaal culus ku qaaday xero ay askarta DF ku lahaayeen degaanka Hilowle Gaab oo dhaca duleedka degmada Ruunirgood.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa waxaa qiyaastii 20 daqiiqo kadib lagu jabiyay ciidamadii DF ee dhawaanahan halkaasi ku sugnaa, waxaana ay u qeybsameen in la dilay iyo qaar naftooda la cararay.

War horudhac ah oo kasoo baxay taliska ciidamada Xarakada Al-Shabaab ayaa waxaa lagu yiri: “Ciidamada Mujaahidiintu waxay saakay oo Jimca ah weerar xoogan ku qaadeen saldhiga maleeshiyada ridada ah ay kaga sugnaayeen deegaanka Hillowle-gaab ee ku yaalla waqooyiga degmada Ruunirgood ee wilaayada Shabeellada Dhexe. Weerarka oo billawday xilligii salaada Fajarka waxaa ay ciidamada Mujaahidiintu dhawr jiho ka weerareen fariisimayaasha cadawga, waxaana Ilaahay mahadiis dagaal kooban kadib ciidamadeena u suurtagashay inay jebiyaan maleeshiyadii ridada, ayna si buuxda gacanta ugu dhigaan saldhigii maleeshiyada ridada ee deegaanka Hilowle-gaab. Waxaa jira khasaare dhimasho iyo dhaawac iskugu jira oo soo gaaray maleeshiyadii ridada, sidoo kale waxaa ay ciidamada Mujaahidiintu gacanta ku dhigeen hub, saanad ciidan iyo gaadiid dagaal oo ay cadawga ka qaniimaysteen. Faahfaahin intaas ka badan dib ayaan kasoo gudbin doonaa insha-Allaah”.

Goobjooge ku sugan degaanka Hilowlegaab wuxuu inoo sheegay inuu indhihiisa ku arkayay ciidamada Al-Shabaab oo xerada ka qaadanaya saanad milatari iyo agabyo kale. Al-Shabaab ayaa isku fidiyay gabi ahaanba degaanka waxaana ay hawlgallo baaritaano ah ka sameeyeen halkii ay dagganaayeen ciidamadii DF.

Dorraad ayay ahayd markii weeraro waaweyn oo qaraxyo ah lagu burburiayay laba xero oo ay degmada Maxaas ku lahaayeen ciidamada Hirshabelle iyo malleyshiyaad la baxay Macawiisley, waxaa muuqanaya in DF uu ku socdo dhiig bax badan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.