Al-Shabaab oo Hawlgallo Qorsheysan Ka Fuliyay Buuloburde Iyo Jalalaqsi.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa maanta waxay hawlgallo qorsheysan ka fulisay magaalooyinka Jalalaqsi iyo Buulobarde ee gobolka Hiiraan.

Hawlgalladan qorsheysan ayaa beegsaday saldhigyo iyo fariisimayaal ciidan oo ku kala yaalla labadan degmo waxaana ka dhashay khasaarooyin kala duwan.

War kasoo baxay taliska ciidamada XSHM ayaa waxaa si horudac ah looga xog bixiyay weerarada:

“Ciidamada Mujaahidiinta waxay maanta duhurkii hawlgallo qorsheysan ka fuliyeen magaalooyinka Buulaburde iyo Jalalaqsi ee Wilaayada Hiiraan. Hawlgallada ayaa waxaa lala beegsaday saldhigyo iyo fariisimo ciidan oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaatka ridada ah ee ku sugan magaalooyinkaas. Waxaa jira khsaare dhimasho iyo dhaawac soo gaaray cadowga Allaah” ayaa lagu yiri warkan kasoo baxay Al-Shabaab.

Goobaha ay weeraradi ka dhaceen ayaa waxaa ka jira baqdin iyo hala badan oo laga soo sheegayo ciidamada iyo xeyahooda: “Halgalladan waxay qeyb ka yihiin camaliyaatka Mujaahidiinta ee lagu beegsanayo cadowga ashahaada la dirirka ah ee dagaalka kula jira shareecada Islaamka”. ayaa mar kale lagu yiri warkan oo uu ku saxiixan yahay Sheekh Cabdidasiis Abu Muscab, Afhayeenka ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Wixii tafaasiil ah ee kusoo kordha dhacdooyinkan kala soco mareegtan www.radioalfurqaan.com insha’allah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.