Daawo Al-Shabaab Oo Kashifay Qorshe Lagu Boobay Hantida Ummadda Una Digay Shirkado Iyo Bankiyo.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa war rasmi ah kasoo saartay dhibaatooyin iyo culeysyo ay waayahan dambe wajahayaan ganacsatada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Muqdisho, wixii ka dambeeyay markii ay xildhibaanada Baarlamaanka DF ansixiyeen in qofkii la doono laga xayiri karo ama lagala wareegi karo hantidiisa.

Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) ayaa shir-jaraa’id oo uu qabtay maanta oo Sabti ah ku sheegay in shisheeyuhu usoo tafaxayteen boobka dhaqaalaha ummadda Soomaaliyeed.

Wuxuu qeexay in marka laga soo tago marmarsiyaha la dagaalanka dhaqaale Mujaahidiintu leeyihiin, ay xaqiiqdu tahay in waxa loo socdo ay yihiin sidii loo dhici lahaa hantida ummada Soomaaliyeed oo dhan. taasoo uu ku sheegay qorshe uu shisheeyahu, gaar ahaan Mareykanku uu wax badan kasoo shaqeeyay, una diyaarsaday kuwii u fulin lahaa, hay’adihiisii ka hawlgeli lahaa, shirkadihii iyo bangiyadii uu hantidaas ku urursan lahaa iyo xeerarkii uu ugu dambayn u adeegsan lahaa si uu hantidaas hal mar ula wareego.

“Waxaad ogtihiin in Maraykanku hanti ummad Soomaaliyeed leedahay uu 2001-dii xayiray isagoo ku andacoonayo inay argagixiso leedahay. Xilligaas Shabaab ma jirin, tobanaan sano kadib ayuu qirtay in eedeymahaas ay khalad ahaayeen, balse ilaa iyo maanta hantidii iyada ahayd dadkeedii looma soo celinin oo way ka baahanyihiin, gaaladii ayaana haysata oo ku intifaacday. Maanta waxa socda waa isla qorshihii isaga ahaa balse markaan sidii hore ka ballaaran, lana doonayo in hantida Soomaaliyeed oo dhan hal daqiiqo gudeheed lagula wareego” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu xusay in shisheeyuhu si gaar ah u beegsanayo hantida iyo gacansiga Muqdisho oo ah halbowlaha dhaqaalaha wadanka, uuna u sameystay hay’ado iyo xafiisyo saldhigoodu yahay Xalane, kuwaas oo si toos ah ay amarka u siinaya saraakiisha iyo madaxda DF. Waxaa intaas dheer oo uu tilmaamay shirkado iyo bangiyo gacan-saar la leh hay’adahaas ajnabiga ah, kuwaas oo xogaha dhaqaale ee ganacsatada Soomaaliyeed iyo hantida akoownadooda ugu jirta shisheeyaha si toos ah ugu gudbiya.

Markey sidaa tahay wuxuu soo bandhigay tilmaamaha dhacdooyin dhacay oo dad lagu dhibaateeyay. “Waxaan ognahay ganacsato badan oo hantidoodii bangiyadaas u taallay la xayiray, ilaa hadana aanan sababta loo sheegin. Dhacdooyinka aan diiwaangelinay waxaa kamid ah. Rag ganacsato ah oo akoownadoodii laga xiray, markii ay bangigii waydiiyeena waxaa lasiiyay lambar oo la yiri waa inaad wacdaan. Hadii ay weceen waxaa looga yeeray Xalane, waxaa la kulmay gaalo cadaan ah, waxaa la waydiiyay halka ay dhaqaalaha ay ku ganacsadaan ka keeneen, tiraha lacagta ay haystaan, hadii ay akoowno bangiyo kale ku leeyihiin, sababta ay ganacsiga ay ku jiraan u doorteen, hadii ay shanta salaad masaajidka ku tukadaan, waxa ay garka u deysteen, dimuquraadiyada waxa ay ka aaminsanyihiin, iwm. Su’aashu waxay tahay, maxaa gaal maraykan ah ka quseeya qof ganacsade ah oo Soomaali ah oo caasimada dalkiisa ku shaqaysta? Yaa gaalkaas xaq u siiyay inuu xogahaas oo dhan gacanta ku dhigo?”

Afhayeenka ayaa sidoo kale soo bandhigay dhacdooyin kale oo tusaya xaqiiqda jirta iyo dhibaatooyinka ay durbadiiba bulshadu la kumayso: “Waxyaabaha aan diiwaangelinaya waxaa kaloo kamid ah, dacwadeedana ay nasoo gaartay, gabar dhalinyaro ah oo reerkeeda u shaqaysa ayaa bangi ay lacag yar dhigatay u tagtay si ay akoownkeeda wax ugala baxdo, waxaa loo sheegay in akoowgeeda la xayiray, lana doonayo inay tagto xafiis ridadu leedahay oo magaalada ku yaalla. Markii ay tagtay sargaalkii murtadka ahaa ee xafiiska joogay arimo aysan diinta iyo dhaqankuba ogoleyn ayuu kala hadlay gabadhii. Waxa aan haynaa kiis iyo 2 iyo 3 iyo 10 waa ay ka badanyihiin, maalin walbana qaylo-dhaan ayaa kasoo yeereysa dadka Soomaaliyeed”. ayuu yiri.

Qeybaha dambe ee Shirkiisa jaraa’id waxa uu ku sheegay haddii aan go’aan ummadeed laga qaadin arrimahan in ay dhibaatadu intan kasii badan karto maadaama shisheeyuhu ka go’an tahay iney dhaqaalaha ummadda Soomaaliyeed afka ku shubtaan, intaasi kadibna wuxuu soo jeediyay qodobadan:

1- Dadka ganacsatada ah waxaan u sheegeynaa, hantidiina duullaan baa lagu yahay, ee ka difaacda cadawga.
2- Bangiyada ajanabiga ah ee la sheegay inay murtadiintu u ogolaadeen inay dalkaan yimaadaan kuna shaqaystaan, waxaan leenahay xogtiina waan haynaa iyo waxa aad u socotaane dalkaan ha isku soo lugooynina. Shilin ummada Soomaaliyeed ledahay qaadan maysaane lafihiina haku qamaarina.
2- Bangiyada Soomaaliyeed ee dalka ka shaqeeya waxaan leenahay, cid idinka yeeleysa malaha inaad xogaha dadka Muslimiinta ah ee hantidooda idinku aaminay aad gaalada u dhiibtaan adinkoo ku andacoonaya xeerar caalami ah iyo wax aan Ilaahay ogoloney. La idinka yeelo maayo inaad dadka Muslimiinta ah ee aad hantidooda ku shaqaysataan aad diintooda, naftooda, maalkooda iyo cirdigooda gaalada baylah uga dhigtaan. Labo arimood adinkaa ikhtiyaar u leh, Inaad ammaanadii la idiin dhiibtay u ilaalisaan ummada, aadna iltizaamtaan axkaamta shareecada sidii aad ballan qaadeen, ama aad ummada hantideeda u celisaan inta aysan gaaladu afka ku shuban. Wixii hanti ah ee idinku dhumana adinkaa masuuliyadeeda dusha saaranaya.
3- Dadka ganacsatada ah waxaan leenahay, hantida idiin taalla bangiyadu halis bay ku jirtaa. Waxa aad haysataan waa lambaro balse hantidii rasmiga ahayd dad kalay gacanta ugu jirtaa. Feejignaan muujiya, ukumihiinan hal sallad ha iskaga ridina. Hanti waa wixii gacantaada kuugu jira ama gacan aamin ah kuu hayso.
4- Ummada Soomaaliyeed waxaan leenahay, weligiin waad noolaydeen, waanad noolaan doontaan. Irzaaqdiina Ilaahay baa qoray oo gaalo iyo murtadiin irzaaqda ma bixin karaan mana gooyn karaa. Difaacda hantidiina iyo maalkiina, hana u ogolaanina gaalo wadamadooda dhaqaale xumo ku hayso inay hantidiina boobto si ay dhaqaaleheeda sii hoobanayana ugu kabtaan.

Ugu dambayn, waxaan ummada Soomaaliyeed mar kale u xaqiijinaynaa inaanan ka daali doonin inaan Ilaahay cadawgiisa iyo cadawga Islaamka la dagaalano, kana hortagno dhagar walba oo ummadeena loosoo maleegayo, hadii ay ahaan lahayn mida milatari, midda dhaqaale, midda dhaqan iyo midda fikirka intaba.

Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in Shisheeyaha iyo DF ku jabeen dagaala, jabkuna kusii socon doono, wuxuu tusaale usoo qaatay saraakiisha faraha badan ee dowladda looga dilay dagaalada, xeryaha lasoo afjaray, hubka laga soo furtay iyo gaadiidka laga soo kaxaystay.

Halkan Ka Degso Shirka Jaraa’id MP3

AMA HOOS KA DAAWO SHIRKA JARAA’ID

You might also like
1 Comment
  1. Shooter yare says

    Halyaygeenu waa argagxso, mutadkuna waa demoqraadi. Hantidayada ugeeya.waayo ayagaa daar dhuuq ku haysta. Xamar ma Afghanistan bay kaliidataa ayugu kasaygoodii dhabarkay usaareen maraykan.

Leave A Reply

Your email address will not be published.