Al-Shabaab oo Sheegay In Ay 34 Ku Dileen Weerarka Xarunta Banaadir. (Warsaxaafadeed)
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa warsaxaafadeed degdeg ah kasoo saartay weerarka ay duhurnimadii maanta ku qaadeen xarunta maamulka gobolka Banaadir.
Warsaxaafadeed kasoo baxay maktabka warfaafinta ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay 34 looga dilay DF kuwaasoo isugu jira maamul, saraakiil, shaqaale iyo askar.
Waxaa warsaxaafadeedka lagu sheegay in weeraradu isdabajoog ahaan doonaan islamarkaana aysan DF ku badbaadi doonin dhagxaanta iyo jidgooyooyinka ay dhigtay wadooyinka Muqdisho.
Xarunta maamulka gobolka Banaadir ee maanta la weeraray ayaa waxay ku ag taal xarumo badan oo ay DF deggan tahay sidoo kale waxaa u dhow Madaxtooyada.
Sannadkii 2019 ayay ahayd markii weerar weyn oo qarax ah ay ka geysteen xaruntan islamarkaana ay ku dileen mas’uuliyiin badan oo uu kamid ahaa C/raxmaan Yariisow oo u geeriyooday dhaawac ku gaaray goobta.