Al-Shabaab oo Ka Warbixiyay Weeraro Ay Ka Geysteen Halgan Iyo Maxaas. (Warsaxaafadeed)

Warsaxaafadeedka ayaa lagu faahfaahiyay weerarada Halgan iyo Maxaas.

Maktabka Warfaafinta Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa warsaxaafadeed degdeg ah kasoo saaray weerar ay saaka ka fuliyeen degmada Halgan iyo mid kale oo ay ka geysteen degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Warsaxaafadeedka ayaa ugu horreyn faahfaahin ka bixiyay weerarka Halgan waxaana lagu yiri: “Halgan, waxay Mujaahidiintu camaliyad istish-haadi ah la beegsadeen saldhigii ugu weynaa ee ay deganaayeen
maleeshiyaatka ridada ee loo adeegsanayey la dagaalanka Shareecada Islaamka sidoo kalena
dhibaatada ku hayay Muslimiinta ku dhaqan deegaanka”.

Warsaxaafadeedka ayaa looga hadlay khasaaraha weerarka iyadoo lagu xaqiijiyay in dadka lagu dilay ay kamid yihiin taliyeyaal ciidan oo waayihii lasoo dhaafay la doon-doonayay: “Khasaare xooggan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa cadawga kasoo gaaray camaliyadaas waxaana xubnaha lagu dilay kamid ah saraakiishii ugu muhiimsaneyd ee ka howlgalayey deegaanadaas, kuwaas oo ay Mujaahidiintu in mudda ah ku raadjoogeen. waxaa kaloo jira burbur
lixaad leh oo gaaray saldhigii cadawga iyo gaadiidkii ciidan ee goobta yaallay”.

Sidoo kale Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa ka warbixisay weeraro madaafiic loo adeegsaday oo lagu beegsaday xeryo ku yaalla degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan: “Howlgalka labaad wuxuu xalay ka dhacay degmada Maxaas ee isla wilaayada Hiiraan. Waxay
Mujaahidiintu beegsadeen saldhigyada ciidamada saliibiyiinta Xabashida ah iyo maleeshiyada
ridada, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Hawlgalladaan saacadihii
lasoo dhaafay ka dhacay Halgan iyo Maxaas ayaa qayb ka ah duullaanada is dabajoogga ah ee ay
Mujaahidiintu ku beegsanayaan cadawga duullaanka ku ah ku dhaqanka Shareecada Islaamka ee
isugu jira kuffaarta saliibiyiinta iyo maleeshiyaatka murtadiinta ah”. ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Gabagabadii waxaa warsaxaafadeedka lagu soo gabagabeeyay farriimo kala duwan: “Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay u dagaallameysa dhawritaanka badqabka Ummadda Muslimka ah, hirgelinta Shareecada Islaamka iyo inay dhamaan dhulalka Muslimiinta ah ka xoreyso gaalada iyo murtadiinta dabadhilifka u ah. Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay mar kale ku celinaysaa dalabkii ahaa in dadka Muslimiinta ah ay ka fogaadaan saldhigyada, xarumaha iyo xafiisyada cadawgu ku leeyihiin degmooyinka iyo deegaanada ay xoogga uga haystaan ummada Soomaaliyeed ee Muslimka ah.
Waxay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ballan ku qaaddeysaa inay sii wadi doonto Jihaadka ka dhanka ah isbahaysiga caalamiga ah ee saliibiyiinta iyo dabadhilifyadooda murtadiinta ah ilaa ay
geyiga Soomaaliyeed ka saareyso cadowga hororka ah ee ku soo duuley, iyo illaa diinta dhamaanteed ay Allaah keliya u sugnaaneyso”.

Maalin ka hor ayay ahayd markii weeraro qorsheysan oo ka kala dhacay Buulobarde iyo Jalalaqsi ay Xarakada Al-Shabaab ku beegsatay saldhigyo iyo fariisimayaal ciidan oo ay DF iyo malleyshiyaadka macawiisley la baxay ay ku lahaayeen degmooyinkaasi.

 

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.