Al-Shabaab oo Maanta Muqdisho Ku Dilay 2 Sarkaal oo Kaalin Ku Lahaa Dagaalada Socda.
Hawlgallo gaar ah oo ay maanta ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka fuliyeen magaalada Muqdisho ayaa waxa ay ku toogteen laba sarkaal oo ka tirsan kuwa DF.
Hawlgallada oo ka dhacay degmooyinka Kaaraan iyo Hodan ayaa waxaa fuliyay ciidamo ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo si gaar ah u tababaran.
Hawlgalka koowaad ayaa ka dhacay degmada Kaaraan kaas oo lagu dilay Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada Muqdisho sida ay xaqiijiyeen qaar kamid ah saraakiisha DF.
Sarkaalka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Xassan Bariise Xeydar wuxuuna kaalin ku lahaa abuurista malleyshiyaad cusub oo ka qeyb qaata dagaalada ay shisheeyaha iyo DF ku qaadeen degaanada qaar ee wilaayaatka Islaamiga ah.
Howlgalka labaad ayaa isna ka dhacay degmada Hodan kaasoo lagu dilay sarkaal dhanka Milatariga ah sida aan kasoo xiganay ilo wareedyo kala duwan oo ay warfaafinta Xarakada Al-Shabaab kamid tahay.
Sarkaalkan oo ahaa Laba xidigle ayaa waxaa xaafadda Al-barako ku toogtay rag hubeysan. Ninkan oo lagu magacaabi jiray Maxamed Muumin Cilmi Saney ayaa horay u soo ahaa Taliyihii Ururka 41-aad, Guutada 5aad ee ciidamada DF.
Waxaa la xaqiijiyay in uu si gaar ah ugu sii eedeysnaa kamid ahaanshaha saraakiisha hogaamineysa duullaanada ay shisheeyaha iyo DF kuq aadeen qaar kamid ah degaanada Wilaayaatka Islaamiga ah gaar ahaan Hiiraan.
Dad ka agdhawaa halka lagu toogtay oo magacooda u qariyay sababo ammaan waxay inoo sheegay inuu u dhintay dhowr xabbadood oo madaxa iyo qaarka sare ee jirkiisa lala dhacay.
Taliyaha oo caan ka ahaa DF gudaheeda ayaa dhowr mar warbaahinta kasoo muuqday isagoo ku sugan Baladweyne iyo degaano kale oo dhalleeceynaya Mujaahidiinta islamarkaana ku goodinaya inuu dagaal la geli doono.
Waxaa si gaar ah loogu xasuustaa inuu aad ugu hanjabay bulshada magaalada Buuloburde kadib markii ay Mujaahidiintu qarax ku burburiyeen garoonkii diyaaradaha ee Buuloburde.
DF ayaa dhawaan isbartiibada Koonis ku qabatay dibadbax ay kasoo qeyb galeen dad u badan shaqaalahdeeda oo ay soo uruuriyeen gudoomiyaasha degmooyinka kaasoo ay madaxda DF ku muujinayeen culeyska ay ku hayaan weerarada iyaga ka dhanka ah ee ay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab sida dardarta ah uga wado caasimadda.