Al-Shabaab oo Sheegay in 87 Askari & Saraakiil Ay Ku Dileen Weeraradii Maxaas. (Warsaxaafadeed)

Al-Shabaab oo Sheegtay in 87 Askari & Saraakiil Ay Ku Dileen Weeraradii Maxaas. (Warsaxaafadeed)

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa weeraradii cuslaa ee ay saaka ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka geysteen degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al-Shabaab ayaa lagu xaqiijiyay in 87 isugu jirta askarta DF iyo malleyshiyaad kaabayay lagu dilay laba camaliyad oo nafhurnimo ah oo saaka aroortii hore ka dhacay Maxaas.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu qeexay iyadoo laga duulayo amarka Allaah ee ah in lala dagaalamo cadawgiisa, lana difaaco Diinta Islaamka, ay ciidamada Mujaahidiintu saakay oo Arbaco ah hawgallo qorshaysan ka fuliyeen magaalada Maxaas ee Wilaayada Hiiraan kuwaasoo lala ay la beegsadeen ciidamo loo soo abaabulay in ay carqaladeeyaan horumarka ku dhaqanka shareecada islaamka ee wilaayaatka Hiiraan iyo Galgaduud.

Warsaxaafadeedka ayaa waxaa lagu yiri: “Camaliyaatka istish-haadiga ah ayaa lala beegsaday labo saldhig oo in muddo ah ay sirdoonka Mujaahidiintu sahan iyo kormeer joogta ah ku hayeen, lana xaqiijiyay inay yihiin halka ugu muhiimsan ee cadawgu iska soo abaabulo, ay joogaan ciidamada ugu badan, ayna yaallaan hubka iyo gaadiidka dagaal ee cadawga. Camaliyaatka ayaa Allaah fadligiis sidii loo qorsheeyay u beegsaday bartilmaameedkii loogu talagalay”

Intaasi kadib waxaa lasoo bandhigay khasaarihii ugu dambeeyay ee ka dhashay weerarada: “Khasaaraha hordhaca ah ee cadawga gaaray waa 87 dhimasho ah iyo 130 dhaawac ah, kuwaas oo iskugu jira saraakiil, ciidamo, iyo mooriyaan loo abaabulayay dagaalka looga soo horjeedo ku dhaqanka Shareecada Islaamka. Sidoo kale waxaa camaliyaatka ku gubtay 13 kamid ah gaadiidka cadawga kuwaas oo u badnaa kuwa tiknikada loo yaqaano ee ay qoryaha waaweyn saaranyihiin.
Dhanka kale, ciidamada Mujaahidiintu waxay weerar ku qaadeen saldhiga maleeshiyada ridada ee tuulada Dudun-cad ee duleedka degmada Maxaas. Mujaahidiinta ayaa dagaal kooban kadib la wareegay tuulada, waxaana halkaas ka dhashay khasaare dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed oo soo gaaray cadawga”

Baraha bulshada ayaa waxaa lagu arkayay sawiradda xubno badan oo kamid ah kuwa ku dhintay weerarada Maxaas. Ugu dambeyntii Xarakada Al-Shabaab ayaa ku goodisay in aysan jiri doonin meel ammaan u cid kasta oo isku dayaysa iney mujaahidiinta kusoo duusho: “Hawgallada Maxaas iyo deegaanada ku xeeran waxay cadayn u yihiin inaysan jirin goob ama deegaan uu cadawgu kaga dhuuman karo Mujaahidiinta, iyo in gacanta dheer ee ciidanka difaaca Shareecadu ay gaari karto goob walba oo kamid ah goobaha laga soo abaabulo hagardaamooyinka ka dhanka ah hirgelinta iyo ku dhaqanka Shareecada Islaamka”.

Dhawaan ayay ahayd markii qaar kamid ah Xildhibaanada ay Baarlamaanka Muqdisho ka sheegeen in dagaalka qandaraaska ah ee uu wado Xassan Sheekh uu yahay mid dhinac ka raran oo aan ujeedadiisa la fahmi karin, waxaana muuqanaya in dad badan ay u dhimanayaan qandaraaskaas dhinaca ka raran kaasoo laga hagayo aqalka cad ee Mareykanka.

HALKAN KA DEGSO WARSAXAAFADEEDKA

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.