Al-Shabaab oo Weeraro Waaweyn Ku Qaaday Saldhigyo Maxaas Ku Yaalla.

Wararka naga soo gaaraya Maxaas ayaa sheegaya in uu jiro khasaare aad u badan.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa saaka weeraro culus ku beegsaday saldhigyada ciidamada DF iyo malleyshiyaad kale oo ku yaalla degmada Maxaas ee wilaayada Hiiraan.

Warsaxaafadeed degdeg ah oo kasoo baxay Maktabka Warfaafinta Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa lagu yiri sida tan: “Hawgalladan oo ahaa camaliyaad istish-haadi ah waxaa lala beegsaday saldhigyadii ugu waaweynaa ee ay deganaayeen maleeshiyaatka ridada ah ee loosoo abaabulay la dagaalanka ku dhaqanka Shareecada Islaamka ee wilaayada Hiiraan. Khasaare xooggan oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa cadawga kasoo gaaray camaliyaatka istish-haadiga ah, waxaa kaloo jira burbur lixaad leh oo gaaray saldhigyadii cadawga iyo gaadiidkii ciidan ee goobta yaallay”.

Warsaxaafadeedka ayaa ballan qaaday in dib laga soo gudbin doono tafaasiil dheeraad ah oo ku aadan dhacdooyinkan waaweyn ee saaka ka dhacay magaalada Maxaas ee wilaayada Hiiraan.

Wararka naga soo gaaraya Maxaas ayaa sheegaya in uu jiro khasaare aad u badan, xilligan waxaa la kala daabulayaa meydadka iyo dhaawacyo badan, xaaladduna waa mid aad u kacsan. La soco tafaasiisha insha’allah.

Dhanka kale ciidamada Al-Shbaab ayaa dagaal kula wareegay deegaanka Duduncad kadib markii ay weerar ay ku qaadeen ciidamada DF iyo malleyshiyaad kaabayay oo macawiisley isku magacaabay.

Wararku waxay sheegayaan in dagaalka ayka dhasheen  khasaarooyin dhimasho iyo dhaawacba leh oo soo gaaray dhinacyadii la weeraray, Goobjoogayaal ayaa xaqiijiyay in ay ciidamada Al-Shabaab si buuxda ula wareegeen gacanta ugu haynta degaanka.

Waa degaan istaraatiiji ah oo qiyaastii 13 kiilomitir Waqooyi-galbeed kaga beegan deegaanka Goobo, sidoo kale wuxuu 17 kiilomitir oo kaliya u jiraa degmada Maxaas ee bariga wilaayada Hiiraan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.