Al-Shabaab oo Xalay Hawlgallo Ka Filiyay Muqdisho, Bay & Sh/hoose.

Hawlgallada iyo weerarada ciidamada Al-Shabaab ayaa sii laba lixaadsanaya.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay habeenkii xalay hawlgallo kala duwan ka fuliyeen gobollada Banaadir, Bay iyo Shabeelaha hoose iyaga oo weeraray xarumo iyo fariisimayaal ciidamada DF.

Muqdisho, barta ay weerareen waa saldhiga askarta DF ee daarta Warsame Indhool, degmada degmada Wardhiigley ee Muqdisho, wuxuu ahaa weerar xooggan oo hub culus iyo mid fududba loo adeegsaday.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in uu jiro khasaare soo gaaray ciidamada weerarka lagu qaaday walow aan la cayimid tirada rasmiga ah ee dhimashada iyo dhaawaca ku noqotay.

Shalay ayay ahayd markii askar hubeysan oo ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay xaafadda Suuqliif ee degmada Wardhiigley ku dileen askari ka tirsan ciidanka DF.

Dhanka gobolka Bay haddaan eegno, ciidamada wilaayadaas ayaa xalay weerar ku ekeeyay saldhig ay ciidamada Koofurgalbeed ku leeyihiin magaalada Baydhabo, Saldhigga oo ku yaalla xerada Xerada Makuudo ayaa waxaa in muddo ka ka socday weerarka.

Si lamid ah waxaa la weeraray shalay casarliiqii saldhigga ciidamada Koofurgalbeed ee degaanka Goof-gaduud Buureyoo dhaca duledka magaalada Baydhabo. Goobta waxaa dagaalka kadib laga soo qaaday askar dhaawac ah.

Gobolka Sh/hoose ayaa isna kamid ah meelaha ay xalay weeraradu ka dhaceen, ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa dagaal culus ku qaaday fariisimaha askarta DF ee xaafadaha Mukayga iyo Haanta dheer ee degmada Afgooye. Mid kamid ah dadweynaha ku dhaqan xaafaddaas ayaa inoo sheegay in ay maqlayeen dhawaqa hubka la isku adeegsanayay.

Hawlgallada iyo weerarada ciidamada Al-Shabaab ayaa sii laba lixaadsanaya kuwaasoo badankoodu ay ka dhacayaan magaalada Muqdisho, waana midda keeneysa in madaxda DF iyo shaqaalaheedu maanta isbartiibada Koonis ku qabtaan dibad bax ay uga cabanayaan weeraradaas.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.