Atmis Iyo DF Kee Waxgarabsanaya Midkeese La Garabsanayaa? (Warbixin)
ATMIS WAXAY AL-SHABAAB KU TILMAANTAY KHAWAARIJ WAXAANA U SHEEGAY WADAADADOODA
Taliska ciidanka Atmis ayaa war uu soo saaray ku sheegay inuu taageero weyn ka geystay degmooyin ay gaareen ciidamada DF sida Xarardheere iyo Ceeldheer oo xeebta dhaca kuwaasoo ay galbinayeen diyaarado Mareykanku leeyahay.
Ergayga gaarka ah ee guddoomiyaha Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna madaxa howlgalka ciidanka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Souef ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin degaanada ay DF gaarsiiyeen.
Wuxuu si cad u muujiyay in DF tahay koox ay garabsanayaan halka uu Xassan Sheekh Sheego inuu garabsanayo shisheeyaha. “inaga oo garabsaneyna walaalaheena Soomaaliyeed waan sii wadi doonaa inaan argagixisada ka saarno Soomaaliya” ayuu ku yiri qoraal uu soo saaray danjiraha.
Waxyaabaha layaabka leh waxaa kamid ah in Atmis ay Al-Shabaab ku tilmaantay Khawaarij, iyaguna waxay aamineen qofkii la dagaalama inuu Khawaarij yahay!!. waana eray ay u yeeriyeen wadaadahooda.
Culimada Soomaaliyeed ee ku nool wilaayaatka islaamiga ayaa kal hore fatwadoodii ku sheegay in DF xalaashatay dhiigga qofkii la dagaalama Gaalada.
Dhowr bilood ka hor waxaa la xasuustaa in madaxweynaha DF Xassan Sheekh Maxmuud uu dalka Mareykanka ka sheegay in dagaalka hadda socda uu yahay mid uu Mareykanku wato kana arkay danihiisa. Su’aashu waxay tahay yay DF u daneeneysaa amase u shaqeeneysaa?