Baadarigii Ugu Sarreeyay Madhab-ka Catholic-ga Ee Diinta Kirishtanka Oo Geeriyoodey.(Warbixin)

Maalintii shalay waxaa geeriyooday mid kamid ah Saliibiyiinta ugu waaweyn caalamka ee dhibaatada ku hayay Muslimiinta, sidoo kalena ku jees jeesi iray diinta islaamka.

Afhayeen u hadlay Aqalka Vatican-ka ayaa xaqiijiyay geerida Baadarigii ugu sarreeyay madhab-ka Catholic-ga ee diinta Kirishtanka, kaas oo ku dhintay da’da 95 sano, waxaana geeridiisa ka fal celiyay madaxda ugu sarreeya ee wadamada reer-galbeedka, kuwaas oo sheegay iney ka murugeysan yihiin geerida ku timid Baadarigii hore ee madhab-ka Catholic-ga ee diinta Kirishtanka.

“Anigoo murugeysan, waxa aan idin xaqiijinayaa in Benedict uu ku geeriyooday tuulo katirsan Magaalada Vatican ee dalka Talyaaniga” ayaa lagu yiri War-Saxaafadeed kasoo baxay Afhayeenka u hadlay u hadlay Aqalka Vatican-ka.

Afhayeenka ayaa goor dambe wariyayaasha u sheegay in aaska gaalkaan uu dhici doono maalinta khamiista ah ee soo socota, munaasabadda aaskana uu gudoomin doono  ninka xilka ka beddelay Pope Francis.

8-dii bishii febraayo ee sannadkii 2013-ka ayuu gaalkaan baqtiyay si lama filaan ah ugu dhawaaqay inuu xilka iska casilay, waxaana uu sababta ku sheegay in caafimaadkiisa maskaxeed iyo kan jireedba uu hoos u dhacayay, isagoo sidaas ku noqday Pope-kii u horreeyey ee madax ka noqda Kaniisadda Catholiga ee xilka ka dega tan iyo muddo lix qarni ah.

Madaxda reer-galbeedka ayaa lasoo deg degay baroorta iyo tacsida ay hawada u marinayaan baadarigaan, iyadoona muujinayay sida ay kaga murugeysan yuhiin geerida ku timid baadarigii hore ee Kaniisadda Catholiga, haweeneyda ah ra’iisal wasaaraha dalka Talyaaniga ayaana si aad ah u amaantay madaxii hore ee Kaniisaddaan.

Madaxweynaha Faransiiska ee ku caan baxay islaam naceebka iyo xad gudubka ka dhanka ah cirdiga nabi Maxamed SCW, ayaa isana si murugo leh kaga tacsiyeeyay geerida baadariga, wuxuuna sheegay inuu ahaa nin wanaagsan oo ku dadaali jiray walaaltinimada caalamka waa sida uu hadalka u dhigaye, Ra’iisal Wasaaraha Ingariiska ayaa isana diray tacsi taasi lamid ah.

16-kii bishii April ee sannadkii 1927-kii ayuu Benedict ku dhashay magaalada Markt ee gobolka Bavaria ee dalka Jarmalka, waxa uuna ahaa baadarigii 16-aad ee soo mara Kaniisadda Cathiliga, sannadkii 2005-ta ayuuna qabtay xilka madaxtinimadda ee Kaniisaddaan, isagoo sidaas ku noqday ninkii ugu horreeyay ee kasoo jeeda dalka Jarmalka ee loo magacaabo xilkaan, tan iyo qarnigii 11-aad ee Milaadiyada.

Baadarigaan geeriyooday ayaa lagu xusuustaa mawaaqiftiisii adkeyd ee uu ku wajahay islaamka iyo Muslimiinta, markii loo magacaabay xilka waxa uu si toos ah u sheegay inuu ka shaqeyn doono mideynta kooxaha Kirishinta ah, uuna wadahal la gali doono dadka kale ee heysta diimaha kala duwan, balse waxa uu si gaar ah u beegsanayay diinta islaamka, arrinkaas oo dhaliyay carada malaayiin ruux oo muslimiinta ah kuna nool caalamka islaamka.

12-kii Bishii July ee sannadkii 2006-da waxa uu si cad meel kaga dhacay diinta islaamka, waxaana khudbad uu xilligaasi jeediyay uu Islaamka ku tilmaamay mid shar wata, islamarkaana aan ilaalineyn Insaaniyadda, waa sida uu hadalka u dhaliye, taas oo keentay in malaayiin Muslimiin ah ay si’aad ah kaga caroodaan hadalka kasoo yeeray gaalkaan baqtiyay, iyadoona dhammaan wadamada caalamka islaamka ay xilligaasi ka dhaceen dibad baxyo looga soo horjeeday Saliibigaan u gafay diinta islaamka.

Intaasi kadib waxa uu qabtay Shir Jiraa’id, kaas oo uu ku sheegayo inuusan u dan laheyn diinta Islaamka, islamarkaana ay ujeediisu aheyn inuu meel kaga dhaco dadka Muslimiinta ah, isagoona xilligaasi dalbaday inuu la kulmo culmaa’u suu’a aamisan mideynta diimaha, balse arrinkaasi ma qaboojin xiisadda u dhexeysay Kaniisaddaan iyo Islaamka.

Marka laga yimaado gafka iyo dhibaatada uu ku hayay islaamka, waxaa sidoo kale baadarigaan lagu eedeeyay inuu ku kacay xad gudubyo xagga jinsiga ah, kuwaas oo ka dhan ah haweenka yar yar ee Kirishtanka ah kuna sugan Kaniisadaha caalamka, si gaar ah dalka Jarmalka.

Warbixin uu faafiyay xafiiska waxa loogu yeero sharciga caalamiga ah ee dalka Jarmalka, kadib dalab kaga yimid Kaniisadda Katooliga bishii Janaayo ee sannadkii 2022-ka ayaa lagu sheegay, in baadarigaan baqtiyay uusan qaadin tallaabooyin looga hortagayo xad gudubyada ka dhanka ah haweenka yar yar ee Kirishtanka ah kuna nool Kaniisadaha dalka Jarmalka, kolkaas oo uu isagu madax ka ahaa sannadihii siddeetameeyadii ee qarnigii la soo dhaafay.

Balse Baadariga ayaa muujiyay sida uu uga xunyahay warbixintan oo ay heshay xeer ilaalinta Jarmalka, waxa uuna si adag kaga soo hor jeestay eedeyntaas, isagoona sheegay inuusan masuul ka aheyn xad gudubyadaas la faafiyay ee uusan waxba qaban.

Halkaan Ka Dhageyso Warbixin Geerida Ku Timid Gaalkii Hore Ee Kaniisadda Catholiga

You might also like
1 Comment
  1. Abu mohamed says

    Jahanamo Ilaahay kugali adaa khayrka jaakiraye
    Jaratay oo kucuntay naar jaxiimaadku
    Jilbis iyo abeesiyo masaiyo halaq ku jeef jeefe
    Jirkaagii qarmuunaa cadaab jaray maqaar kiisa
    Jundigii ibliiskow rabigay mee san kuma joojo

Leave A Reply

Your email address will not be published.