Beesha Garre oo 60 Neef oo Geel Ah U Hadiyeysay Ciidanka Al-Shabaab.
Waxgarad badan oo beesha kasoo jeeda ayaa sheegay in ay garab taagan yihiin mujaahidiinta.
Beesha Garre oo kamid ah beelaha waaweyn ee Soomaaliyeed islamarkaana dega Wilayaatka Islaamiga ayaa 60 neef oo Geel ah ku wareejisay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabab.
Geela oo ay salaadiintu beesha ku bixiyeen degaanka Farsooley oo hoos taga degmada Tooratoorow ayaa waxaa gudoomay waaliga wilaayada islaamiga ah ee Sh/hoose Sh/C/samad Abuu C/raxmaan.
Ugaaska guud ee beesha Garre Ugaas Cabdullaahi Xaaji ayaa Munaasabadda ka sheegay in beeshu ay xilligan diyaarisay 100 neef oo Geel ah oo 60 kamid ah ay gudoonsiisay wilaayada islaamiga ah ee Sh/hoose, halka 40 kale ay mar dhow gudoon siin doonto wilaayada Bay oo ay sidoo kale beeshu degto.
Waxgarad badan oo beesha kasoo jeeda ayaa sheegay in ay garab taagan yihiin mujaahidiinta islamarkaana dowr weyn ka qaadanayaan dagaalka lagula jiro ciidamada shisheeye ee soo duulay iyo dhinacyada la socda.
Waxaa isi soo taraya qabaa’ilka Soomaaliyeed ee isgarab taagaya Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.