Boliska Kenya oo Ka Hadlay Weerar Dhawaan Gaarisa Ka Dhacay.

Faahfaahin ayaa kasoo baxaysa weerar maalmo ka hor ka dhacay dhulka Soomaaliyeed ee Kenya gumeysato gaar ahaan gobolka Gaarisa.

Weerarka oo lala beegsaday gaadiid ay lahaayeen ciidamada Booliska ayaa waxaa ku dhintay 4 qof markii qarax miino uu haleelay gaari ay saarnaayeen shaqaale ajaanib ah oo u shaqeynayay shirkadda dhismaha waddooyinka Kenya ee loo yaqaan KENHA.

Waxaa gabi ahaanba burburay gaari noociisu ahaa Toyota Hilux Double sida laga soo xigtay saraakiisha booliska, waxaana gaariga burburkiisa laga soo saaray meydadka 3 kamid ah dadka ku dhintay iyadoo midka afaraad uu dhuxuloobay.

Al-Shabaab dhankooda waxay sheegteen mas’uuliyadda weerarkan: “Mujaahidiinta ayaa sedax Injineerro Kenyaati ah ku dilay qarax ka dhacay deegaan katirsan gobolka Gaarisa” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa aad usii laba jibbaaray weeraradooda ka dhanka ah ciidamada Kenya oo qeybta ka ah duullaanka Soomaaliya, weerarka Gaarisa ayaa kusoo aaday weerar kamiin ah oo ka dhacay Lamu inkastoo aanan faahfaahin dheeri ah ka helin khasaaraha ka dhashay.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.