Ciidamada DF oo Darawal Bajaaj Ku Dilay Balcad.

Dadka ku dhaqan degmada Balcad ayaa aad uga murugeysan dhacdada naxdinta leh.

Ciidamada DF ayaanta degmada Balcad ku toogtay wiil dhallinyaro ah oo ku shaqeysan jiray mooto Bajaaj kadib markii ay ka waayeen lacago baad ah oo ay ka doonayeen.

Darawalka ayaa waxa uu siday labo askari oo si qasab ah uu uga soo qaaday degaan u dhow degmada Balcad oo la yiraahdo Carrafaag. Goobjoogayaal ayaa sheegaya in askarta dilka geystay ay kamid yihiin kuwa ay isbaaro u taallo halka laga soo galo degmada.

Gudoomiyaha degmada Balcad Qaasim Furdug ayaanan illaa iyo hadda ka hadal dilkan ay ciidankiisu u geysteen ninkan shacabka ah ee Bajaajta ku shaqeysanayay.

Degmada Balcad ayaa kamid ah meelaha ay tacaddiyada ka geystaan ciidamada shisheeye iyo kuwa DF, bilihii lasoo dhaafay waxaa kusoo badanayay degmada dilalka darawalada loogu geysanayo isbaarooyinka.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay ka talisaa dhul ballaaran oo Koofurta iyo Soomaaliya ah mana dhicin in hal qof oo Bajaajle ah lagu dilo, halka goobaha yar ee ay DF joogto si joogto ah loogu laayo wadayaasha gaadiidka noocyadooda kala duwan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.