Dagaal Ciidmada Dowladda Dhexdooda Ah oo Ka Dhacay Muqdisho.

Ma ahan wax cusub in ciidamada DF ay ku dagaalamaan gudaha magaalada Muqdisho.

Dagaal saameyn ku yeeshay dhaqdhaqaaqa bulshada ayaa maanta ka dhacay degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho kaasoo dhex maray ciidamo Boolis ah iyo askar milatari ah.

Ciidamada Milatariga ayaa la sheegay iney kasoo hor jeedaan gudoomiyaha degmada Cabdullaahi Sheekh Cabdiraxmaan kaasoo ay ku eedeeyeen xadgudub, musuqmaasuq iyo qabyaalad.

Dagaalka labada dhinac ayaa ka billowday xarunta degmada Kaxda illaa heer uu ku fiday qaar kamid ah xaafadaha. Odayaasha dhaqanka ee ku baxay colaadan ayaa sheegay in qudhooda ay rasaas kala kulmeen ciidamada gudoomiyaha degmada.

Ma ahan wax cusub in ciidamada DF ay ku dagaalamaan gudaha magaalada Muqdisho, lamana soo sheegin khasaare nafeed oo dagaalkan ka dhashay. DF ayaa u dhisan hab qabyaaladeed oo la yiraahdo 4.5 waana midda keeneysa in khilaafyada iyo colaaduhu soo laalaabtaan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.