Dagaallo Ka Dhacay Goofgaduud, Baraawe Iyo Xarardheere.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday fariisin ay askarta DF ku lahaayeen degaanka Goofgaduud Buurey oo aad ugu dhow magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.

Wararka naga soo gaaraya Goofgaduud ayaa sheegaya in ciidamada Al-Shabaab ay beegsadeen xero ay askarta Koofurgalbeed ku lahaayeen degaan ugu dambeyntiina kala wareegeen.

Ciidamka Koofurgalbeed ayaa noqday wax dhinta iyo wax isaga carara goobta. Inta la xaqiijiyay waxaa laga dilay 5 askari kuwaasoo ay meydadkooda uga carareen goobta, sidoo kale waxaa dhaawac ahaan ay ula baxsadeen 6 kale.

Intaa waxaa wehliya oo ciidanka Koofurgalbeed laga furtay 4 qori iyo booshashkooda iyo agabyo kale oo kuwa ciidanka ah. Sidoo kale ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shababaab ayaa xalay weerar ku qaaday askarta shisheeye ee heysata garoonka diyaaradaha ee degmada Baraawe.

Dagaalka ayaa socda muddo nus-saac ku dhow, dadka magaalada qaarkood waxay maqlayeen hubka culus iyo kan fudud ee la isweydaarsanayay, waxay dagaalyahanada Al-Shabaab beegsanayeen difaacyada Atmis, halka askarta Atmis ay godadkooda kasoo qufayeen rasaas aan loo meel dayeyn.

Dhinaca kale, ciidamo ka tirsan Milatariga Al-Shabaab ayaa weerar dhabbagal ah u dhigay ciidamo ka tirsan kuwa DF, oo marayay meel 10km u jirta Xarardheere. Xogta waxaan ku heleynaa in ciidamadaas ay ku laabteen xarardheere iyagoo meydad iyo dhaawacyo sita.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.