DEG-DEG: Ciidamo Katirsan Al-Shabaab Oo Gudaha Ugalay Xarunta Maamulka Gobalka Banaadir.
Weerar culus oo ku billawday Camaliyad Nafhurnimo ah ayay ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab daqiiqado kahor ku qaadeen Xarunta Maamulka Gobalka Banaadir ee Magaalada Muqdisho.
Camaliyadda Nafhurnimada ah, waxaa xarunta xoog ku galay rag katirsan Mujaahidiinta Al-Shabaab, kadib markii ay laayeen ilaalada, iyagoona hadda gudaha xarunta ka wada toogasho ka dhan ah Masuuliyiinta iyo Saraakiisha DF ee ku sugan halkaas.
War kasoo baxay Taliska ciidamada Xarakada Al-Shabaab ayaa durbadiiba lagu sheegay in ciidamo gaar ah oo katirsan Al-Shabaab ay weerar qorshaydan ku qaadeen xarunta isla markaana ay gudaha ugu jiraa.
“”Hawlgal inqimaasi ah ayay haleeyo ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Mujaahidiintu daqiiqado kahor ka billaabeen Magaalada Muqdisho. Hawgalka waxaa lagu beegsaday xarunta waxa loogu yeero maamulka gobolka Banaadir ee ay ku shaqeeyaan saraakiisha ridada ah ee cadawga u qaabilsan dhibaataynta shacabka Caasimada” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka taliska ciidamada Al-Shabaab uuna ku saxiixnaa Sheekh Cabdicasiis Abu Muscab, Afhayeenka ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
“Halyeeyada ka tirsan Mujaahidiinta ayaa hada gudaha ugu jira xarunta la beegsaday kadib markii ay laayeen ilaaladii xarunta, waxayna halkaas ka wadaan xaqiijinta hawgalkii loosoo xilsaaray. Wixii faahfaahin ah dib ayaan kasoo gudbin doonaa Insha’Allaah” ayaa lagu soo gabagabeeyay warsaxaafadeedka Al-Shabaab.