Degdeg: Weerar Lagu Burburiyay Xero Ciidan oo Ka Dhacay Hiiraan.
Halgan waxaa labo xero ku kala leh ciidanka DF iyo kuwa Xabashida, xerada la beegsaday waa tan DF.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa saaka aroortii hore weerar kula jarmaaday xero ay ciidamada DF iyo kuwa Macawiisley ku lahaayeen degmada Halgan ee wilaayada Hiiraan.
Wararka naga soo gaaray Halgan ayaa waxay sheegayaan in camaliyad nafhurnimo ah lagu beegsaday saldhiggii ay ciidamadaasi degganaayeen, waxaana ka dhashay khasaare badan oo naf iyo maalba leh.
Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in gabi ahaabna xeradu burburtay ciidamadii joogayna ay noqdeen wax dhinta iyo kuwa dhaawacma. Sidoo kale waxaa weerarka ku burburay gaadiid, hub iyo agabyo kale oo yiillay xerada.
Warar horudhac ah oo aan heleyno waxay xaqiijinayaan dhimashada taliyihii ciidanka DF ee Halgan oo lagu magacaabi jiray Jamaal Axmad Jaamac.
Degaanada iyo degmooyinka Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe ee xiga Halgan waxaa saaka laga maqlay jugta qaraxa oo ahayd mid aad u xooggan, waxaana ay camaliyaddan kusoo aadeysaa iyadoo dorraad uuna ay weeraro qorsheysan lagu beeysaday saldhigyo iyo fariisimayaal ciidan oo ku yaalla degmooyinka Jalalaqsi iyo Buuloburde ee gobolka Hiiraan.