Dhageyso Sh/Yuusuf Kaba Ku-Dukade oo Laga Wareystay Weerarkii Xawaadley.
63 ayaa maanta DF looga dilay dagaalka...
Waaliga Wilaayada Sh/dhexe Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise (Kabakudukade) ayaa caawa faahfaahin ka bixiyay dagaalkii cuslaa ee ay maanta ciidamadoodu ku qaadeen xero ay askarta DF ku lahaayeen degaanka Xawaadley oo hoos taga degmada Balcad.
Isagoo wareysi gaar ah siinayay Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-furqaan ayaa waxa uu sheegay in ay beegsadeen ciidamo dhibaato ka waday degaanka uuna hogaaminayay nin lagu magacaabi jiray Shataqey kaasoo kamid noqday askartii iyo saraakiishii ku baxday dagaalka.
Sheekh Yuusuf ayaa ka warramay micnaha uu sameynayo weerarkan ay maanta ka geysteen meel 60km u jirta Muqdisho iyo xog ku aadan dhimashada saraakiisha DF ee sii kordheysa, ugu dambeyntiina waxa uu diray farriin dhinacyo kala duwan ku wajahan.