Dibad Baxyo Ka Dhacay Barazil & Dad Careysan Oo Gudaha Ugalay Xarumaha Madaxtooyada & Baarlamaanka Ee Dalkaas.(Warbixin)
Waxaa sii cakiran tay xaaladda ka taagan dalka Barazil, kadib markii boqallaal kamid ah taageerayaasha madaxweynihii hore ee dalkaasi ay xoog ku galeen maalintii shalay oo Axad aheyd xarunta madaxtooyada ee looga arrimiyo dalka, dhismaha aqalka Kongareska ee dalka Barazil, iyo maxkamadda sare ee fedaraalka kuna caasimadda dalkaas, iyagoo mellatariga ka dalbanaya iney soo faragaliyaan xaaladaha ka taagan waddanka, ayna go’doomin saaraan madaxweynaha hadda la doortay.
Xoog ku galkaan ay sameeyeen taageerayaasha madaxweynihii hore ee dalka Barazil ayaa kusoo aadaya, 2 todobaad un kadib markii la caleema saaray madaxweynaha cusub ee uu yeeshay dalkaas, iyo madaxweyinii hore ee laga guuleystay oo dalka isaga tagayna isagoona u jaheystay dhanka Mareykanka, kadib markii uu diiday qirashada guul darradii kasoo gaartay labadii wareeg ee doorashada uu la galay madaxweynaha hadda talada haya, taas oo dhacday bishii October ee lasoo dhaafay.
Wariyayaasha ku sugan caasimadda dalka Barazil ayaa soo tabinaya, in dibad baxayaasha ay bur buriyeen tiirarka qasriga looga arrimiyo dalka, islamarkaana ay qarribaad kula kaceen agabkii yiilay gudaha xarunta Madaxtooyada, iyo dhismaha baarlamaanka fedaraaliga ah, iyagoo intaa ku daray in dibad baxayaashaan careysan ay sidoo kale gudaha ugaleen xarunta maxkamadda fedaraalka ee caasimadda, iyo xarumo kale oo ay leeyihiin qaar kamid ah wasaaradaha xukuumadda, kadib markii ay kasoo gudbeen baraha koontarool ee ay ku sugnaayeen ciidamada ammaanka.
Xoog ku galkaan ay sameeyeen taageerayaasha madaxweyinihii hore ee Barazil ayaa keentay in isku dhacyp xooggan ay dhex maraan ciidamada boliska iyo dibad baxayaasha, kuwaas oo umuuqday kuwa aad u careysan, islamarkaana ay ka go’an tahay iney hirgaliyaan qorshihii ay isugu yimaadeen islamarkaana ay dibad baxa u dhigayaan.
Sawirro ay faafiyeen dadka ku sugan magaalada caasimadda ah islamarkaana lagu baahiyay baraha ay bulshadu ku wada xiriirto ayaa muujinaya, dibad baxayaasha mucaaradka ee kasoo horjeeda caleema saarka madaxweynaha cusub oo xoog ku galaya xarunta madaxtooyada ee dalka looga arrimiyo iyo dhismaha baarlamaakna, si aan kala sooc laheynna u bur burinaya qabalkii halkaas yiillay, halka qaarkoodna ay ku fadhiyeen kuraasta baarlamaanka.
Madaxa aqalka Koongareska ee dalka Barazil ayaa warbaahinta u sheegay, in ciidamada boliska ay isku dayayaan iney xakameeyaan islamarkaana ay xaaladda dib ugu soo celiyaan goobihii ay dhibaatadu ka dhacday, isagoona intaa ku daray, inay si adag kaga soo horjeedaan falalka uu ku tilmaamay iney yihiin kuwa ka dhan ah dimquraadiyadda, ayna waajib tahay in la dhaqan galiyo qaanuunka dalka u degsan.
Intaasi kadib xukuumadda Barazil ayaa qaaday tallaabo qambin ah oo ka dhan ah xubaha mucaaradka ee dibad baxayada dhigaya, waxeyna ciidamo badan oo bolis ah kusoo daadisay xarumaha muhiimka ah ee dowladda, sida xarunta madaxtooyada iyo dhismaha baarlamaanka, si xaaladda deganaansho dib loogu soo celiyo a, islamarkaana la xakameeyo dhibaatada ay suuragalka tahay iney geystaan dadkaan careysan ee diidan caleema saarka madaxweynaga cusub ee Barazil.
Warbaahinta gudaha ee dalka Barazil ayaa soo tabisay, in gudoomiyaha Magaalada Baraaziiliya ee caasimadda dalkaasi uu shaqada ka eryay wasiirkii amniga guud ee Mandiqadda, islamarkaana uu go’aansaday in dhammaan askarta booliska la geeyo waddooyinka waaweyn ee magaalada, si ay u xakameeyaan dibadbaxyada ay dhigayaan dadkaan careysan ee taageersan madaxweyihii hore ee dalka.
Arrintaan ayaa saameysay guud ahaan xarumaha kala duwan ee ay ku shaqeyso dowladda dalkaas iyo wasaaradaha muhiimka ah, dacwad oogaha guud ee dalka Barazil ayaa isana dhankiisa sheegay, iney furayaan baaritaan ku aaddan dadka ku lugta leh islamarkaana soo abaabulay dibad baxyadaan, isgoona intaa ku daray in lala xisaabtami doono kuwa kacay falaka qarbudaada ah ee la geystay inta ay socdeen mudaaharaadyada.
Kadib guushii uu madaxweynaha hadda haya talada dalka Barazil ka gaaray doorashadii dhacday bishii October ee lasoo dhaafay, waxaa dalka oo idil laga dareemayay saan saan colaadeed, iyadoo isla xilligaasba ay taageerayaasha madaxweynaha laga guuleystay billaabeen abuublka kacdoonno ka dhan ah xukuumadda cusub, waxayna xirteen wadooyin muhiim ah oo ku yaalla caasimadda iyo qaar kamid ah goballada dalka, xilli xabsiga la dhigay mid kamid ah taageerayaasha musharraxa guul darreystay, kaas oo lagu eedeeyay inuu maleegayay weerar qarax loo adeegsado.
Durbaba Madaxweynaha cusub ayaa eedeyn u jeediyay kii isaga ka horreeyay ee uu doorashada kaga guuleystay, waxa uuna ku dhaleeceeyay in taageerayaashiisa uu ku dhiirra galinayo holwaha khirribaadda ah, ayna diidaan awaamiirta mellatariga ee dhigeysa in la taageero madaxweynaha cusub si uu xilka ula wareego.
Ka dib doorashadii madaxtinimo ee ka dhacday Brazil, iyada oo ay jirto kala qaybsanaan xoog leh, ayaa waxaa haddana sidoo kale jirtay cabsi laga qabo in taageerayaasha Madaxweynaha laga guuleystay ay dib usoo celiyaan muuqaalkii taageerayaasha madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, kuwaas oo xoog ku galay Dhismaha Koongareeska Mareykanka 6-dii bishii January ee sannadkii 2021-ka, iyagoo xilligaasi doonayay inay ka hortagaan Caleemo saarka Joe Biden oo loo doortay madaxweynaha Mareykanka.
Iyadoo ay xaalladdani adag jirto, ayay ugu dambeyn ciidamada ammaanka ee dalka Barazil ku guuleysteen iney xaalka dib ugu soo celiyaan sidiisii hore, waxayna la wareegeen xarunta madaxtooyada, dhismaha baarlamaanka, iyo xarunta maxkamadda sare ee dalka, kadib markii ay halkaasi in muddo ah xoog ku heysteen dibad baxayaasha careysan, waxaana wasiirka arimaha gudaha iyo kan cadaalada ay shaaca ka qaadeen, in mas’uuliyiintu ay dacwad adag ku soo oogi doonaan ka qeyb galayaasha falalkan oo ay ku tilmaameen isku day afgambi.
Ciidamada ammaanka ayaa billaabay howlgallo qafaal ah oo ay ku xirayaan dadka kacdoonsan, waxaana illaa iyo hadda lasoo tabiyay in xabsiga la dhigay ugu yaraan 150 kamid ah taageerayaasha madaxweynihii hore ee dalkaas, muuqaallo la baahiyay ayaana lagu arkayay ciidamada oo hareereeyay boqallaal kamid ah dadka careysan, iyagoo ku guraya basas islamarkaana u kaxeynaya xarumaha boliska, Taliska boliska ayaa dhankooda xaqiijiyeen iney xasbiga dhigeen 30 kamid ah kuwii xoogga ku galay aqalka Kongareeska ee dalka Barazil.
Tan iyo habeenkii xalay, ciidamada ammaanka ayaa si tartiib tartiib ah ula wareegayay gacan ku heynta goobaha muhiimka ah ee ay qabsadeen dadka kandoonka dhigayay ee ku yaalla caasimadda dalka, waxayna askartu adeegsanayeen tubooyin waaweyn oo biyaha qaada, kuwaas oo lagu kala eryayay dibad baxayaasha.
Madaxweynaha laga guuleystay oo dhankiisa ka hadlay arrimahaan, ayaa gabi ahaanba iska fogeeyay eedeymaha loosoo jeediyay ee ku aaddan inuu isagu taageerayaashiisa ku booriyay iney la wareegaan xarunta madaxtooyada iyo aqalka Kongareeska, wuxuuna tilmaamay in dhammaan eedeymahaas ay yihiin kuwa aan sal iyo raad toona laheyn.
Madaxda wamada reer galbeedka ayaa aad u cambaareeyay falalkaan ka dhacay dalka Barazil, Joe Biden oo ah madaxweynaha Mareykanka oo ka hadlay arrintaan ayaa sheegay, inuu si aad ah u dhaleeceynayo waxa uu ugu yeeray xad gudubka loo geystay dimuquraadiyadda, isagoona madaxda dalkaasi ugu baaqay in la ixtiraamo rabitaanka shacabka.
La taliyaha amniga qaranka ee Mareykanka ayaa isana dhankiisa cambaareeyay arrintaan, “Dowladda Mareykanka waxay si adag u dhaleeceyneysaa isku dayada ku aaddan in lagu majaxaabiyo dimuquraadiyadda ee ka taagan dalka Barazi, ayuu la tilayaha ku yiri war qoraal ah oo uu soo dhigay bartiisa Twitterka.
Emmanul Macron Madaxweynaha Faransiiska ayaa isana kamid ah madaxda reer galbeedka ee dhaleeceeyay arrintaan, wuxuuna ku baaqay in la dhowro mu’assasaadka dimuquraadiyadda, isagoo dhanka kale muujiyay in xukuumaddiisa ay garab taagan tahay madaxweynaha cusub ee Barazil.
Si kastaba ha ahaatee xaaladda ayaa ah mid qasan, waxaana xusid mudan in kol sii horreeysay uu madaxweynaha la caleema saaray uu ka bad baaday isku day dil, kaas oo lagu doonayay in lagu khaarijiyo, kadib markii boorso laga soo buuxiyay walxaha qarxa loosoo dusiyay hotel uu madaxweyuhu deganaa, arrinkaas oo dhaliyay walaac daran, oo ku aaddan xaaladda amni ee ka jirta caasimadda dalka Barazil.
Halkaan Ka Dhageyso Warbixin Dalka Barazil oo ay ka taagan tahay qalalaase siyaasadeed.