Eritrea Oo Lagu Eedeeyay Iney Caqabad Ku Tahay Heshiiska Nabadda Ee Itoobiya, & Saraakiil Lagu Dilay Magaalada Gonder.(Warbixin)

Mid kamid ah qodobadii ay ku hashiiyeen dowladda Xabashida Itoobiya iyo kooxda fallaagada ah ee TPLF ayaa ahaa, in ciidamada dowladda Eritrea laga saaro dhammaan gobalka Tigre, balse wixii ka dambeeyay heshiiskaas waxaa soo baxayay warar ku aaddan, in ciidamada xukuumadda Asmara aysan rabin iney isaga baxasaan gobalka Tigre, xilli wargeys kasoo baxa dalka Mareykanka uu daabay warbixin uu kaga hadlayo, in dowladda Eritrea ay caqabad ku tahay heshiiska ay wada gaareen darafyadii isku hayay Mandiqadda.

Wargeyska Wall Street Journal ee laga leeyahay dalka Mareykanka oo soo xiganaya mas’uuliyiin caalami ah iyo kuwo maxalli ah ayaa sheegay, in ciidamada Eritrea ay hortaagan yihiin heshiiskii nabadeed ee ay Itoobiya la gashay fallaagada waqooyiga gobolka Tigray ee dalkaas, si loo soo afjaro dagaalladii sokeeye ee halkaas ka socday mudada labada sano ah.

Ila wareedyadaan kala duwan ee uu soo xiganayo wargeyskaan laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa sheegaya, in ciidamada Eritrea ay ku guul-darreysteen inay ka baxaan gobalka Tigre iyo guud ahaan dalka Itoobiya, kadib markii xukuumadda Addis Ababa ay heshiis nabadeed ku soo gebagabaysay labadii November ee la soo dhaafay colaadda ka taagneed gobalka.

Warbixinta uu daabacay wargeyskaan ayaa sidoo kale lagu sheegay, in ciidamada Eritrea ay wali gacanta ku hayaan 12 degaan oo katirsan gobalka Tigre ee woqooyiga dalkaas, inkastoo 2 bilood ay kasoo wareegatay ka dib markii hogaamiyayaasha jabhadda gobolka ay heshiis la saxiixdeen dowladda federaalka Itoobiya, kaas oo dhigaya in la joojiyo dagaalka u dhaxeeya labada dhinac.

Masuuliyiintaan maxalliga ah iyo kuwo caalami ah ee uu soo xiganayo wargeyska laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa sheegay,  in askarta Eritrea ay sii wadaan dilalka iyo afduubka dadka rayidka ah ee kasoo jeeda qomiyadda Tigreega, ayna caqabad ku yihiin in gargaar la gaarsiiyo malaayiin qof oo Itoobiyaan ah.

Warbixin ay baahisay xarunta isku xirka xaaladaha degdega ah ee gobalka Tigray, oo ay ku jiraan hay’adaha Qaramada Midoobay iyo saraakiisha dawladda Itoobiya ayaa lagu sheegay, in ciidamada Eritrea ay dileen ugu yaraan 2708 ruux, ayna afduubteen 645 qof oo kale, intii u dhexeysay 2-dii bishii November illaa 30-kii bishii Desember ee sannadkii 2022-ka.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in kun qof oo kale ay dileen Maleeshiyaadka kasoo jeeda gobolka Axmaarada ee Koonfur-galbeed ee Itoobiya, kuwaas oo sidoo kale taageerayay ciidamada dowladda Federaaliga ah, intii uu socday dagaalka u dhexeeyay dowladda iyo TPLF.

Wall Street Journal ayaa dhaniisa sheegaya, in goob-joogayaal ay la kulmeen ururada bulshada rayidka ah ay xaqiijiyeen falalkaan dilalka ah ee ay geysteen ciidamada Ereteriya iyo Maleeshiyaadka Amxaarada, halka shaqaalaha gargaarka ay dhankooda sheegeen, in xadgudubyada ay geysanayaan askarta Eritrea ay sii socdeen illaa sannadkii la soo dhaafay.

“Si nabadda Tigraygu u sii socoto, dhammaan dhinacyada isku haya gobalka oo ay ku jiraan ciidamada Eritrea  waa inay si degdeg ah u joojiyaan xadgudubyada.” ayay tiri haweeney u hadashay Golaha waxa loogu yeero Xuquuqul Insaanka ee taabacsan Qaramada Midoobay.

Balse dowladda Eritrea ayaa gabi ahaanba gaashaanka u duruurtay iney ciidameedu geysteen xad gudubyo ka dhan ah dadka Tigrega, kuwaas oo dhacay labadii sano ee lasoo dhaafay.

Wasiirka warfaafinta ee xukuumadda Asmara ninka lagu magacaabo Yamaani Jabar ayaa sheegay, in ciidamada dallkiisa ay gobalka Tigre u galeen sidii ay uga hortagi lahaayeen waxa uu ku sheegay, qorshahayaal ay jabhadda TPLF ku dooneysay iney ku qabsato dhulka Eritrea, isagoona gabi ahaanba beeniyay, in askartoodu ay laayeen dadka rayidka ah, ama ay geysteen xad gudubyo kale.

Wargeysku waxa uu warbixintiisa ku sheegay in mar walba ay jireen xiisado u dhexeeya labada dhinac, taas oo ay uga sii dartay dowladda Eritrea, ugu dambeynna sababtay in gobolka Tigray ee Itoobiya uu ka go’o marin biyoodka istiraatiijiga ah ee Badda Cas.

Xukuumadda Abiy Axmed oo taxaaluf la noqotay Eritrea wax yar un ka dib markii uu qarxay dagaalkii sokeeye ee Itoobiya bishii November ee sannadkii 2020-ka, ayaa ka aamustay tacaddiyada lagu eedeeyay ciidamada Eritrea.

La-taliyaha amniga qaranka ee xukuumaddaAbiy Axmed, ninka lagu magacaabo Ridwaan Xuseen ayaa shir ay 1-dii bishaan magaalada Adis Aababa ku yeesheen hoggaamiyeyaasha siyaasadda ka sheegay, in Eritrea ay dowladdiisa ka caasiway dagaalkii lagula jiray kooxda TPLF, isagoona sheegay ineysan marnaba habooneyn in Eritrea laga dalbado iney isaga baxdo dalka Itoobiya.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Anthony Blinken ayaa intii uu socday shir-madaxeedka Mareykanka iyo Afrika ee ka dhacay Magaalada Washington bishii December ee lasoo dhaafay, waxa uu Abey Axmed ka codsaday in ciidamada Eritrea laga saaro Itoobiya, iyo in kormeerayaasha caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha ay yimaadaan goobaha colaadaha.

Inkastoo ay ciidamada Eritrea ka baxeen Magaalooyin fara ku tiris ah oo katirsan gobalka Tigree, ayaa haddana waxaa soo baxaya warar sheegaya in ciidamada xukuumadda Asmara aysan dooneynin iney si dhameystiran kaga baxaan gobalka Tigree, taas oo sida muuqata caqabad ku ah heshiiska ay wada gaareen TPLF iyo xukuumadda uu fahdigeedu yahay Magaalada Adis Ababa, sababi kartana in colaaddu ay dib usoo cusboonaato.

Iyadoo uu xaalku sidaa yahay ayaa waxaa dhanka kale amaan darri xooggan ay ka jirtaa qeybo kamid ah dalka Itoobiya, iyadoo saacado ka hor mid kamid ah magaalooyinka dalkaasi lagu dhaawacay saraakiil katirsan maleeshiyaadka Amxaarada ee loo yaqaano FANO.

Dalbey hubeysan oo aan heybtooda la aqoonsan ayaa waxay rasaas huwiyeen laba sarkaal oo katirsan Maleeshiyaadka Amxaarada ee xasuuqa ba’an ka wada qeybo kamid ah Gobalka Oromiya ee dalka Itoobiya.

Weerarkaan lagu dhaawacay saraakiisha katirsan ciidanka Amxaarada ayaa waxa uu si gaar ah kaga Magaalada Gonder ee gobalka Amxaarada, iyadoona warar kala duwan ay kasoo baxayaan qaabka uu dhacay weerarka.

Saraakiisha lagu dhaawacay weerarkaan ayaa lagu kala magacaabaa Wagnew Azezew iyo Dagnachew Belete, dad goobjoogayaal ah ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in saraakiishaan laga toogtay qeybaga sare ee jirka.

Waxaa goor dambe goobta soo gaaraty ciidamo katirsan Maleeshiyaadka Amxaarada, kuwaas oo goobta ka qaaday dhaawacyada saraakiishooda, iyagoona geeyay isbitaal ku yaalla Magaalada Gonder.

Maleeshiyaadka Amxaarada ayaa lagu xusuustaa xasuuq ba’an oo ay ka geysteen qeybo kamid ah gobalka Oromiya, halkaas oo ay ku laayeen boqallaal ruux oo Muslimiin ah. Iyagoona illaa iyo iminka tacaddiyo kala duwan ka wada gobalkaas.

Halkaan Ka Dhageyso Warbixin Eedeynta loo jeediyay dowladda Erertaria

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.