Faahfaahin Kasoo Baxaysa Weerar Ay Al-Shabaab Ka Fuliyeen Kenya.
Faahfaahin ayaa kasoo baxaysa weerar khasaare geystay oo ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka fuliyeen gudaha wadanka Kenya gaar ahaan Lamu.
Ciidamo ka tirsan Milatariga Al-Shabaab ayaa dhabbaha u galay kolinyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamada KDF islamarkaana marayay inta u dhaxaysa degaanada Bodhei iyo Ijaara.
Kolonyadii ciidamada Kenya ayaa waxaa qabsaday dagaal culus waxaana goobta looga gubay 9 gaari oo isugu jira kuwa dagaalka iyo gaadiidka xamuulka ee saadka iyo askarta lagu daabulo.
Dowladda Kenya waxay qiratay in Lamu lagu weeraray askarteeda iyadoo khasaaraha soo gaaray kusoo koobtay burbur gaadiid oo aan faahfaahin lahayn iyo dhimashada 1 sarkaal iyo dhaawaca 4 askari oo ka tirsan ciidankooda.
Todobaadyadii lasoo dhaafay waxaa kordhayay weerarada ay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka fulineyso gudaha Kenya iyo dhulka Soomaalida ee ay mudada nus qarniga ah heysato dowladdaasi.