Gaari Gaashaaman oo Atmis Maanta Looga Gubay Sh/Hoose.

Atmis ayaa gaarigii labaad oo gaashaaman laga gubay muddo 3 maalmood gudahood ah.

Ciidamada shisheeye ee la baxay Atmis ayaa maanta mar kale weerar lagula beegsaday gobolka Shabeelaha hoose xilli ay sahay kala gudbisanayeen.

Kolonyadan gaadiidka ah oo horey gaari Gaashaaman looga soo gubay todobaadkii lasoo dhaafay ayaa waxaa maanta lagu helay inta u dhaxaysa Danow iyo Golweyn.

Guutada qaraxyada ee Xarakada Al-Shabaab ayaa beegsaday gaari noociisu yahay Taw oo ay saarnaayeen ciidamo shisheeye, waxaana gabi ahaanba burburay gaariga iyo wixii saarnaa.

Ciidamada shisheeye ayaa marar dhif ah isku daya iney sahayda isgaarsiiyaan meelaha qaar waxaana markey ugu yartahay laga gubaa laba gaari.

Kolanyada qaraxa lala beegsaday waa kolanyadii raashiinka siday ee shalay lagu weeraray inta u dhaxeysa deegaanada Shalambood iyo Danow weerarkaas oo looga dilay 2 askari.

Gobolka Sh/hoose waxaa meelo badan lagu arkayaa qalfoofta gaadiid badan oo ay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka gubtay ciidamada shisheeye iyo kuwa DF.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.