Iiraan oo Dil Toogasho Ah Ku Xukuntay SIyaasi Basaas U Ahaa Ingiriiska.

Warbaahinta Ingiriiska ayaa billowday iney sii deyso warar ka dhan ah xukunka siyaasiga Iiraaniga ah.

Dowladda wadanka Iiraan ayaa dil toogasho ay ku xukuntay nin siyaasi ah oo xilal kala duwan kasoo qabtay wadanka kadib markii lagu helay inuu basaas u ahaa dowladda Ingiriiska.

Siyaasiga oo lagu magacaabo Alireza Akbari ayaa lagu eedeeyay inuu si toos ah ula shaqeynayay sirdoonka Ingiriiska ee MI6 kaasoo uu u dusiyay xogo xasaasi ah oo uu dalku leeyahay.

Akbari wuxuu ka tirsanaa golaha wasiirada ee Iiraan mudadii u dhaxaysay 1997 illaa 2005, xilalka ugu waaweyn ee uu soo qabtayna waxaa kamid ah wasiir kuxigeenka Gaashaandhigga.

Warbaahinta dalka Ingiriiska ayaa billowday iney sii deyso warar ka dhan ah xukunka siyaasiga Iiraaniga ah. Dowladda Shiicada ah ee Iiraan ayaa wajahaysa dagaal uga imanaya dowladaha reer Yurub iyo Mareykanka oo kasoo hor keeda hubka Nukliyeerka ah ah ee ay sameysatay.

Soomaaliya dadka xilalka ka haya dowladda waxayba ku faanaan “waxaa i wadata dowladda Mareykanka, Ibgiriiska, Uganda, Itoobiya, Yahuuda, Kenya, Qadar, Imaaraatka, Turkiga iwm”

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.