In Ka Badan 10 Kamid Ah Murtazaqada Fagnar & Ciidanka Maali Oo Lagu Dilay Weeraro Ka Dhacay Dalka Maali.(Warbixin)
Jamaacada Nusratul Islaam Wal Muslimiin ee taabacsan Mujaahidiinta Al-qaacidda ee dhulka Maqribul islaam, ayaa weeraro lixaad leh oo khasare kala duwan lagu gaarsiiyay Maleeshiyaadka Calooshood u shaqeystayaasha Fagnar ee uu Ruushku soo taba bartay iyo ciidanka xukuumadda Maali ka fuliyay galbeedka waddankaas.
Weerar kamiin ah oo aad u xooggan ayay Mujaahidiinta Nusratul Islaam Wal Muslimiin la beegsadeen ciidamadaan huwanta ah oo ku socdaalayay wadada xiriirsa degaannada Tiniiko iyo Masina, waxaana weerarkaan oo ahaa mid qarax ah uu haleelay gaari ay wateen ciidamada, isagoo halkaas ku bur buray wixii saarnaana ay dhimasho iyo dhaawac ku qeybsameen.
Bayaan kasoo baxay Mujaahidiinta oo ay baahisay Mu’assasada AzZallaaqah ayaa lagu sheegay, in weerarku ii intaas ku ekeen, balse ay mar kale ciidamadaan ku dhaceen weerar kamiin ah oo ku billawday silsilado qaraxyo ah, kaas oo khasaare ka badan kii hore lagu gaarsiiyay calooshood u shaqeystayaasha Fagnar iyo ciidanka xukuumadda daba dhilifka ah.
Illaa 3 qarax ayay Mujaahidiintu la beegsadeen kolonyadii ay la socdeen ciidanka huwanta ah, waxaana intaa kadib xigay weerar toos ah oo ay Mujaahidiinta ku ekeeyeen Maleeshiyaadkaan, in ka badan 10 askari ayayna Mujaahidiintu ku dileen weerarkaan Kamiinka ah.
Bayaanka ay baahisay Mu’assasada AzZallaaqah ayaa lagu sheegay, in Mujaahidiintu ay is dul taageen meydadka 5 kamid ah Maleeshiyaadka Calooshood ushaqeystayaasha Fagnar ee uu Ruushku soo taba bartay, iyo 7 kamid ah ciidanka xukuumadda Maali.
Khasaaruhu intaa kuma eka ee waxaa jira dhaawacyo badan oo soo gaaray ciidamada huwanta ah, iyadoona qaraxyada Mujaahidiinta ay bur buriyeen 2 gaari oo kamid ahaa kolonyada ciidamadaan.
Sidoo kale waxay Mujaahidiinya Nusratul Islaam Wal Muslimiin soo furteen 2 gaari oo Kooyaallo ah, hub nuucyo kala duwan isugu jira, iyo sanduuqyo rasaas ah, sawirro ay baahisay Mu’assasada ayaana lagu arki karaa gaadiidka iyo agabyadaan ay soo furteen Mujaahidiinta, waxaana qeybaha dambe ee bayaanka lagu sheegay, in Mujaahidiinta ay weerarkaan kaga shahiideen 5 kamid ah dagaalyahannadooda.
Halkaan Ka Dhageyso Warbixin Weerarada Mujaahidiinta Al-Qaacida Ee Maqribul Islaam.